|

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sadexaad Ee khilaafada Umawiyiinta.

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sadexaad Ee khilaafada Umawiyiinta.

Waxa uu ahaa Mucaawiye binu yaziid, waxa uu xilka qabtay sanadkii 64 ee hijriyada, wuxuu Mucaawiye ahaa nin aad u dhalinyaro ah markii uu xilka qabtay, isla wakhtigaas uu xilka qabtayna waa uu xanuunsanaaa . waxaana Khilaafadiisu ahayd 40cisho oo kaliya. Tariikhyahanadu waxay sheegaan in uu ahaa nin dhalinyaro ah oo cibaado badan, afartan cisho ka dib xukunkiisii xilka waa iska casilay.Khalid fff

Boqorkii Afraad Ee Boqorada Umawiyiinta: waxa uu ahaa Marwaan Binu Xakam, magaciisa oo dhameystiran waa Marwaan Binu Xakam Binu abii Caas, taariikhyahanadu way isku khilafaan in uu saxaabi ahaa iyo in uu ahaa taabici, qaarkood dhalinyaradii saxaabada ayay ku daraan qaarna raga waaweyn ee tabiciinta. Waxa uu ku dhashay Makka sanadkii labaad ee hijriga qaarna waxay dhahaan sanadkii afraad ee hijriga, hooyadii waxa la odhan jiray Aamina bintu Calqama. wuxuu ahaa boqorkii afraad ee umawiyiinta waxuu sido kale ahaa nin caalim ah oo diinta si fiican aqoon ugu leh. Intii aanu xilka qaban waxa loo dhiibay oo uu amiir ka ahaa madiina xiligii Mucaawiye bin abii sufyaan . waxa lala baayactamay khilaafada sanadkii mucawiye binu yasiid, laakiin xiligaas dawlada Umawiyiinta way daciiftay, badanaa dadka gobolada kusugan waxay la baayactameen Cabdulahi binu Zubeyr, waxaana isaga iyo

Cabdulahi binu subeyr dhexmaray dagaalo Marwaan waxa uu ciidamadiisa u kala diray diray xijaas oo uu haystay Cabdulahi binu zubeyr Ciraaq oo uu haystay walaalkiis Muscab binu subeyr Masar oo uu ka talinaayay nin uu Cabdulahi binu subeyr usoo magacaabay, laakiin dagaaladaasi kuma guuleysan sababtoo ah marwaan waa uu dhintay, laakiin wiilkiisii Cabdilmalik ayaa dhameystiray illaa uu dhammaanba soo celiyay meelahaas la qabsaday waxaana la dilay Cabdulahi binu subeyr iyo walaalkiis Muscab binu subeyr sanadkii 65H ayuu dhintay Marwaan binu xakam waxa uu xilka hayay mudadii u dhaxeysay 64_65H.

 Boqorkii Shanaad ee khilaafadii umawiyiinta: magaciisa oo dhameystirin waa Cabdimaalik binu Marwaan binu Xakam, waxa hooyadii la odhan jiray Caa’isha binu Muqiira, waxa uu Cabdilmalik dhashay sanadkii 24 ee hijriyada Cabdilmalik waxa uu ahaa boqorkii shanaad ee cabaasiyiinta waxa uu ka mid ahaa boqoradii ugu awooda badnaa umawiyiinta waxa lagu naanaysi jiray aabihii boqorada, sababtoo ah afar wiil ee uu dhalay ayaa boqor noqday waxa uu xukunka hayay 65_85 Cabdilmaalik awoowgii marwaan waxa uu islaamay sanadkii furashadii makka. khilaafadii cumar ayay madiina yimaadeen qoyskiisa, awalna makka ayay daganaayeen, waxa uu ku koray madiina al munawara aabihiis marwaan waxa uu waali ka noqday madiina wakhtigii mucaawiye . waxa uu xiligaas bartay culuumta sharciga ah waxa lagu tirin jiray Cabdilmalik intii aanu xukunka qaban raga ugu cilmiga badan taabiciinta. Khilaafadiisii hadaan wax ka nidhaahno waxa uu xukunka qabtay markii aabihii dhintay marwaan, xilligaas dowlada islaamiga ah waxay u qaybsaneed qayb ay ka taliyaan umawiyiinta iyo qayb kale oo uu ka taliyo Cabdulihi binu subeyr markuu xilka qabtay wuxuu dhulka xijaas u diray xijaaj binu yuusuf dhulka xijaas waagaas waxa la isku odhan jiray makka, madiina iyo magaalada Daa’if. Xijaaj makka ayuu hareereeyay waxa uu dilay Cabdulahi binu subeyr waxa uu jabiyay ciidamadii Cabdulahi binu subeyr . markii xijaaj binu yuusuf kasoo faaruqay xijaas waxa loo diray ciraaq oo ahayd dhulkii fidnooyinka waxa dhulka ciraaq kasoo baxay wagaas nin la odhan jiray Cabdulaahi binu ashcas.

daagalo ayaa dhexmaray ninkaas iyo xajaaj aakhirkiina waa jabiyay waxa uuna jaray xijaaj madixiisii ninkaas . Cabdilmaalik binu marwaan waxa uu ilaaliyay dawladiisi oo uu dawlad awood badan ka dhigay waxa uu faafiyay diinta islaamka waxa xiligiisii la furtay dhulka maanta looyaqaan maqrib. waxa uu karaameeyay culumada iyo fuqahada waxayna dimishiq noqotay meel cilmiga lagasoo raadsho . Waxa jira waxyaabo uu qabtay oo aanay qaban boqoradii la midka ahaa, raxaana ka mid ah waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay oo diiwan carabiyeeya waagii hore waxa uu ahaa luuqadaha faransiga iyo armaaniga waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo diinaat lagac islaamku leeyahay sameeya. waxa uu dhintay shawaal sanadkii 65 ee hijriyada waxa uuna xukunka uga tagay wiilkiisii Waliid binu Cabdili maalik,, sida aynu dib ka xusi doono insha Allah.

…………………………….. Lasoco qaybaha danbe

 

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)

Hargeysa, Somaliland

Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed