Maxay Xukuumadda Somaliland Ka Tidhi Wararka Sheegaya Inay Ku Deeqayso Ciidamo La Dagaallama Fallaagada Xuutiyiinta
Hargeysa:June,29,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay warbaahinta dalka qaarkood daabacday warar sheegaya in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hawllan tahay sidii ay u qori lahayd Ciidamo la dagaallama Jabhadda Xuutiytiinta Yemen, ayey Jawaab cad oo arrintaas ka dhan ah Xumuumaddu markii ugu horraysay Bixisay.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee dhinaca Maamulka iyo Dawladaha Hoose Axmed Faarax Cadarre oo la Hadlay qaarka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamo laga qorayo Somaliland.
Wasiir Axmed Faarax Cadarre, waxa uu sidoo kale sheegay in aanay garanayn halka ay warbaahintu wararkaasi ka keeneen, balse aanay waxba ka jirin oo ay yihiin warar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanuu yidhi “Warkaasi wax sal iyo raadtoona leh ma aha haba yaraatee waxba kama jiraan in Ciidamo la dagaalama Xuutiyiinta laga qorayo Somaliland, iyaga ayaa og xagga ay ka keeneen warkaas wax ka jiraana ma jiro, inaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa oo waddanka gaar ah ayeynu nahay markaa waxba kama jiraan arrinkaas” ayuu yidhi Axmed Faarax Cadarre,
Masuuliyiinta ciidamada dalka iyo wasaaradda gaashaandhiga oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiino arrintani, ayaanay noo suurta gelin inaanu helno, in kasta oo ay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda gaashaandhigu ka gaabsadeen inay ka hadlaan.
SDN/QJ