Faah faahin kasoo baxeysa Weerar Al-shabaab ku qaadeen Akademiyada Kismaayo
Kismaayo, 29,6,2015(QJ/SDN)- Faah faahin kasoo baxeysa Weerar Al-shabaab ku qaadeen Akademiyada Kismaayo
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen xarun Ciidamada Maamulka Jubba ku lahaayeen Kulliyadii Akademiyada ee Duleedka Kismaayo.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday daqiiqado badan ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana Dagaalka ka dhashay qasaaro xoogan oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Afhayeenka maamulka kumeel gaadhka Juba, Cabdinasir Seeraar, ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi uu qasaaro kasoo gaadhay Ciidankooda , waxa uuna cadeeyay in shan askari looga dilay weerarkaasi sadax kalana looga dhaawacay, waxaana warar ka madax banaan Afhayeenka ayaa sheegaya in qasaaruhu uu intaasi ka badan yahay.
Xaalada goobtii xalay weerarku ka dhacay ee Kulliyadii Akademiyada ee Duleedka Kismaayo ayaa dagan, waxa ayna Ciidamada Maamulka Jubba ay saakay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen Dagaalyahanadii soo weeraray.
Al-Shabaab ayaa kordhisay tan iyo curashadii bisha barakeesan ee Ramadaan weerarada ay ku qaadeyso Goobaha ay kataliso Dowlada Soomaaliya iyo goobaha kale ay ka taliyaan Maamulada Dalka ka jira, waxaana Weeradaasi ay Shabaab qaadeen ka dhashay qasaarooyin dhimasho oo aad u badan.