Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan Xogg-waran ah La Yeeshay Gudoonkii Hore.
Hargeysa, 29,6,2015 (QJ/SDN)- Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga waddani ee heer qaran Maxamuud Cabdillaahi Cabdi (Gaagaab) oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada Eng Saynab Axmed Cali , Xoghayaha guud ee garabka dhalinyarada Cabdifataax Siciid Axmed (Aftax) iyo afhayeenka garabka dhalinyarada Maxamed Sadiiq Dhamme, ayaa maanta kulan xog waran ah la yeeshay gudoonkii hore ee garabka dhallinyarada xisbiga waddani.
Kulankan oo lagu lafa guray sidii loo dhaqaajin lahaa loona dardar galin lahaa hawlaha dhalinyarada ee xisbiga waddani ee heer qaran ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka tirsanaa gudoonkii hore ee garabka dhalinyarada xisbiga waddani. Iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Xarunta dhexe ee garabka dhalinyarada xisbiga waddani heer qaran.
Qurbejoog.com/Hargeysa Office