|

Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo Xaraashayo Dhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In Wasaaradda Caafimaadku Wax Ka Qabato

Hargeysa June 29,2015 (SDN/Hubaal)- Baabuurka keli ah ee gargaarka degdega ah (ambulance) ee uu lahaa cusbitaalka degmada Sallaxley ayaa dhawrkii maalmood ee u dembeeyey u fadhiyey cillad ku timi kadib markii uu jabay isla markaana wax ka noqday Geer bogoska.

Baabuurkan oo ah Ambulance-ka keliya ee ay degmadu leedahay oo ay dabayaaqadii kal saddexaad [2013] ay cusbitaalka Sallaxley ugu deeqeen hay’adda samafalka ee gaaroodi  ayaa habeen saddexaadkii cillad farsamo ku timi isaga oo bukaan u soo sida dhinaca Hargeysa waxaana wadaha dhoolligan Maxamuud Cabdi Jaamac (Ganey) oo wargeyska Hubaal la hadlay uu sheegay in aanay haba yaraatee wasaaradda caafimaadku war ka haynin xaallada baabuurkan, iyo cillada ku timi, waxaana uu intaa ku daray in cillada baabuurku u fadhiyaaa ay gaadhayso dhawr kun oo dollar,.

“Baabuurku sida kale waa u cusub yahay ee laakiin Geer bogosyadiisa oo bilaa tayo ah ayaa kolba is masaxa, waxaana muddo sannad iyo badh ah oo aan dirawal ka ahaa uu immika u fadhiistay geer bogosyada” sidaa ayuu yidhi wadaha dhoolligani, waxaanu intaa ku daray mar uu ka jawaabayay su;aal nuxurkeedu ahayd in wasaaradda caafimaadku war ka hayso xaaladda cusbitaalka baabuurkani ka tirsan yahay, waxaana uu yidhi ‘niyow xagga wasaaradda caafimaadka waxba nagama soo gaadhin, warna kama hayso, marka laga reebo lambar GT ah (Taarikada baabuurka ee dawladda) oo ay ku xidheen uun, wax alliyaale wax kale oo ay wasaaradda caafimaadku noo qabatana ma hayno.

Arrinta baabuurkanna waxaa uu u fadhiyaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo dollar, wasaaradduse waxba kama oga I ee maayarka degmada iyo shacbiga magaalada uun baa na dhiirigeliya, isaguna doorkan wax adduun ah muu haynin ee wuxuu yidhi balloodh uga soo iibiya dhulka wadada cadi leedahay, balloodhkiina lama iibsanin”. Ayuu yidhi dirawalku.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in baabuurkan oo habeenno fadhiyey jidka isku xidha Caasimadda Hargeysa iyo degmada sallaxley ay shalay u gurmadeen muwaadiniin ka mid ah dadka deegaanku, kuwaas oo u soo jiiday dhinaca Hargeysa si loogu cillad bixiyo, waqti xaadirkana waxa uu ku jiraa oo lagu farsamaynaa geershka Aw Cali ee Hargeysa.

Geesta kale wararka uu wargeyska HUBAAL helay afar iyo labaatankii saacadood ee udembeeyey waxa degmada Sallaxley iyo deegaannada Hoos yimaada ku go’doomay hooyooyin fool ah oo cusbitaalka degmadu amray in loo soo qaado dhinaca caasimadda Hargeysa, waxaana markii La waayay ambulance lagu soo qaado, loo soo qaylo dhaan dirsaday dhinaca Hargeysa, waxaaana cawayskii xalay baabuur ay dad shicib ahi leeyihiin isu xilqaameen taakuleynta Hooyooyinka foosha ah ee gargaarka degdega ah u baahan, kuwaas oo markii dembe loola soo cararay dhinaca Hargeysa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Sallaxley oo arrintan ka hadlay ayaaa nasiib darro ku tilmaamay in xukuumadda uu ka diiwaangashan yahay cusbitaalka sallaxley aanay war iyo wacaal midna ka hayn xaalladiisa, iyaga oo ku dhaliilay gaabiska ay degmadu ka tabanayo wasaaradda caafimaadka.

Waxa kale oo ay ayaan darro ku tilmaameen in masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya ee ka soo jeeda deegaanka Sallaxley ay ka gaabiyeen doorkoodii ku xidhnaanshaha iyo ka war heynta dadka ay wakiilka ka yihiin, “Waa nasiib darro iyo masuuliyiintii degmada u meteleyey qaranku ay ka hurdaan dadkoodii, taariikhduna way xusi doontaa kuwa aqallada iyo hantida ka samaystay xilalkii ummada loogu dhiibay si ay ugu adeegaan, waxaanse leeyahay xukuumaddu ha u deymo yeelato xubnaha dhegaha nugul ee shacbigooda wax u qabanaya iyo kuwa dhuuniga u dhex jooga qaranka, waayo hore ayaa looyidhi ninna dhuunuu kuu dhex joogaa ninna dhaqasho ayuu kuugu dhabar jabay” sidaa waxa yidhi mid kamid ah dadkii arrinta baabuurka goob joogga u ahaa ee degmada ka soojeeda, kaasi oo aan magaciisa xusin.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed