|

Dhismihii Wasaaradda Xoolaha Ee Sallaxley Oo Dhulka La Sinmay iyo Xildhibaan Weli Xaawo Oo Ka Deyriyey Xaaladda Cusbitaalka

Hargeysa June 29,2015(SDN/Hubaal)-Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan (Weli Xaawo) oo kamid ah Mudanayaasha aqalka golaha wakiillada Somaliland ayaa ka deyriyey adeegayaddii caafimaad ee wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda xanaannada xooluhu u fulin jireen degmada Sallaxley ee gobolka Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay in xafiisyadii dawladeed ee degmada ay hadda xaalladoodu liidato.

vlcsnap-2015-06-29-02h43m55s213

Xildhibaan Weli Xaawo oo hadal ka jeediyey madal uu shalay dhalinyarada degmada Sallaxley ku guddoonsiiyey qalab ciyaareed oo uu hore ugu ballanqaaday ayaa madaxweynaha xusuusiyey ballanqaad uu hore ugu sameeyey dadka degmada oo ahaa qabyotir lagu sameeyo dhismaha cusbitaalka degmada.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku faanay dhisme ay lahayd wasaaradda xanaannada xooluhu oo gebi ahaanba dhulka la sinmay kadib markii uu dumay, waxaana uu xukuumadda ugu baaqay inay shacbiga reer Sallaxley weli dhawrayaan ballantii Madaxweynuhu qaaday.

Waxaana uu yidhi “Sideedaba hadalka Madaxweynuhu waa wareegto, oo wasiirradiisa oo dhami waxa ay ka shaqeeyaan hadalka Madaxweynaha ka soo baxa inay keydiyaan (Record) oo ay fuliyaan. Markaa Md. Madaxweyne Halkan (Cusbitaalka Degmadda) Waxa aad laba sannadood ka hor aad ballan qaaday inaad deyrka u dhisto dhakhtarka, kharashkii deyrkana miisaaniyadda ayaa lagu daray baa la yidhi, markaa  reer Sallaxley dhexdoodii tuhun baa galay oo waxay leeyihiin [Madaxweyne] Ma Cad kaasoo baxay oo aan nasoo gaadhin baa jira.

Waxaa immika jira in xoolihii iyo dadkii reer guuraaga ahaaba ay dhex marayaan dhakhtarka oo afarta kooneba waa laga soo gelayaa” ayuu yidhi Xildhibaan Weli Xaawo, wAxaanu intaa k u daray isaga oo ka hadlay dhismaha wasaaradda xanaannada xoolaha ee degmada oo dunsan “Arrimaha ay dawladayadan isku filan ku faanto waxaa ka mid ah halka dhismaha wasaaradda xanaannada xoolaha, waa hantidii iyo cashuurtii dadka laga soo guray oo aqalkan lagu dhisay, muddo ka dibse waa kaa aqalkii yuurura ee dunsan, waana mid kamid ah waxqabadyada dawladeed ama xafiiska dawladeed ee ka furan Sallaxley, sida laga war qabana Sallaxley waxa ay degmonimada qaadatay 1960-kii ka hor maantana waydinkaa arka”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaanku.

Baaqan mudane Weli ayaa qayb ka ah qaylo dhaan ay shacbiga degmadu u direen Xukuumada taas oo ku wajahan fulinta waxqabadyada degmada. Geesta kale arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ambulance-kii keli ahaa ee degmadu lahayd uu cillad fudud u fadhiistay isa markaana aanay wali wasaaradda caafimaadku wax hadal ah kasoo saarin dayac tirkiisa.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed