|

Dad aan aaminsanayn diinta Islaamka oo isu Xilsaaray Qaadhaan Ururinta Agoomaha Somalia

Doha June 29, 2015 (SDN/QJ) – in ka badan 400 qof oo aan muslimiin ahayn, kana kala socday 20 waddan oo caalamka ah, ayaa ka qaybqaatay soon muddo laba maalmood ah socday oo qaadhaan loogu ururinayo carruurta agoomaha ah ee Soomaaliya si ay u helaan waxbarasho dhinaca luuqadda Ingiriisiga ah.

dad soomayQorshahan dadka aan muslimka ahayn cuntada lagaga af-xidhay oo ay qabanqaabiyeen xarunta cuntada ee la yidhaah Hyatt Plaza, taageerana ka helay xarunta sadaqada ee dalka Qadar (Qatar Charity and Edad Center), waxa kaloo qayb ka ah tallaabo dadka ka qaybgelayaasha ah looga ururiyey qaadhaan la doonayo in lagu daryeelo tacliinta ubadka agoomaha ah ee ku nool Soomaaliya.

Hawlgalkan la hindisay, waxa aannu ku rajaynaynaa in aannu ku muujiyo aqbalaadda, dul-qaadka iyo isku duubnida bulshada meel kasta oo ay ka joogaan caalamka, markaa sannadkan, waxa aannu diyaarinay xaflad soon ah oo ay ka qaybgaleen dad aad u badan oo aan muslimiin ahayn, taasoo aannu doonayno in aannu ku ururino qaadhaan lagu taageero ubadka agoomaha ah ee Soomaaliya, noloshoodana sare loogu qaado, iyagoo helaya tacliin fiican.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Guud ee xarunta cuntada ee Hyatt Plaza oo la yidhaah Feroz Moideen.

Sarkaalkan oo la hadlay saxaafadda oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa kaloo uu xusay inay ugu talogaleen qorshan in qofkasta oo soonkan cuntada lagu daynayo ka qaybgala uu bixiyo lacag dhan QR200 (riyaalka Qadar) maalintii, una dhiganta $730 doollar, isla markaana doonayaan inay ururiyaan qaadhaan dhan QR80,000 (sideetan kun oo lacagta Qadar ah), $21,918 doollar, (kow iyo labaatan kun, sagaal boqol, sideed iyo toban dollar), taasoo loogu talogalay in lagu bixiyo tacliinta ubadka agoomaha ah ee Soomaaliya, si gaar ahna loogu barayo duruus la xidhiidha dhinaca luuqadda Ingiriisiga (English Language).

Waxa aan keenay qoyskayga si ay u soomaan, sababtoo ah bisha ramadaan saamayn ayey nagu yeelaataa xilli kasta, iyadoo aanu isku dayno in aanu soono si aannu ugu dayano muslimiinta, sidaa darteed, hadda dalka Qadar ayaan ku suganahay oo aannu khibradaas ku qaadanaynaa, sababta qudha ee aan u soomayno waa in aanu muujino in aannu hanweyn leenahay, kana qaybgalno gargaarka loo fidinayo dadka masaakiinta ah.” Sidaa waxa yidhi nin la yidhaah Adams oo u dhashay dalka Maraykanka.

Madaxa Mashaariicda ee xarunta sadaqada dalka Qadar Mr. Ahmed SALEH Al-Ali, ayaa isna sheegay inay aad ugu faraxsan yahay hawsha ay qabteen ee qaadhaanka loogu ururinayo dadka Soomaalida ah, gaar ahaan carruurta agoomaha ah.

hamiyagayu waxa uu yahay iyadoo aanu la kaashanayno dukaanka cunta ee Hyatt Plaza in aanu duruus luuqadda Ingiriisiga ah u diyaarino ubadka agoomaha ee Soomaaliya si ay u helaan fursad ay ku raadsan karaan tacliinta sare, una noqon karaan xubno waxtar ku kordhinaya bulshada,” ayuu yidhi Ahmed Saleh al-Ali.

Waxa kaloo uu sheegay in lacagta qaadhaanka ah ee soo baxda lagu caawin doono sanduuq uu sameeyey sheekh caalim ah oo la yidhaah Dr.Bilal Phlilips, kaasoo hirgeliyey sanduuq uu u bixiyey caawi agoomaha (Help the Orphans), iyadoo mashruucaasna loogu talogalay in luuqadda Ingiriisiga lagu baro in ka badan 500 (shan boqol) oo ka mid ah ubadka agoomaha ee ku nool Soomaaliya.

Doha SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed