|

Isku Shaandhaynta Xukuumadda, Mawqifka M.Siilaanyo, Wasiiradda Iyo La Safashada Madaxweyne Xigeenka

Paris, June 29, 2015 (SDN/QJ)  Wargeyska Indian Ocean Newsletter (ION) ayaa cadadkiisii 26/6/2015 ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland aanu diyaar u ahayn inuu beryahan xukunka ka dego oo uu sugayo inta bisha Ramadaan ka hadhay si uu isku shaandhayn ugu sameeyo Golihiisa Wasiirada, iyadoo uu dad ka mid ah muqarabiintiisa ku wargaliyey in aanu sinaba u aqbali doonin dawladd wadaag ah oo Kulmiye iyo Mucaaridku wada dhistaan.

Wargeyska ION oo arintan ka xog-waramaya  waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda liqi kari la’ yahay xaqiiqada ah in wasiiradiisa intooda badnayd ay la safteen mawqifka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo ahaa in doorashada laga soo hor mariyo wakhtigii ay Guurtidu u qabatay oo ahaa April 2017 balse laga dhigo December 2016.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in 28 May 2015 uu gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ku waramay in Golaha Guurtida u gudbiyay soo jeedin ah inay la qaataan heshiiska ay isaga iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid wada gaadheen, ee ah  in wakhtiga doorashada hore loo soo dhigo oo lagu beego bisha December 2016.

Wargeysku wuxuu Mawqifkaas Muuse Biixi ku tilmaamay xeelad cusub oo uu ku mijo xaabinayo Madaxweyne Siilaanyo si ay ugu suurta gasho inuu kursigiisa dhaxlo.

Wargeysku waxa kale oo uu ka waramay wax ka duwan isku shaandhaynta uu maagan yahay Madaxweyne Siilaanyo waxaanu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee Ethiopian-ku ay kala hadlayeen markii uu Addis Ababa booqashada ku tegay todobaadkii hore uu ahaa sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen xoojinta la dagaalanka ururka Alshabab.

Waxa kale oo wargeysku uu carabaabay in ka hor intii Madaxweynuhu aanu u kicitimin Addis Ababa ay madaxda Ethiopian-ku  si gaar ah uga codsadeen in Wasiirkiisa Madaxtooyada uu ku daro xubnaha weftigiisa soo raaci doona. Hase yeeshee wargeysku ma xusin ilaha uu ka soo xigtay wararkiisa kor ku xusan.

Xigasho Haatuf

Paris SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed