|

Qaxootiga Yemen iyo Warbixin uu ka diyaariyay Siyaasi Yuusuf Garaad

Muqdisho 28.June 2015 (SDN/QJ)- Shalay waxaan tegey safaaradda Yemen ee Muqdisho oo ku taalla meel u dhow dekeddii hore ee Muqdisho.

Waxaa halkaa ku sugan dad ka soo qaxay dagaalka Yemen. Qaarkood waa Soomaali asalkoodu ka soo jeedo Yemen. Qaarna waa Yemen aan Soomaaliya xiriir hore kala dhexeyn marka laga reebo in ay hadda u soo qaxeen.

Qaxoonti soo yaacayDadkaas runtii waxaan ugu tegey xaalad murugo iyo calool xumo i gelisay.

Waxaa aad ugu badan haween, ay qaarkood sitaan ilmo maalmo ama bilo yar jira.

Laba ilaa saddex teendho oo markaas la dhisay oo aan weli la dejin iyo meel balbala ah ayay aga taag taagan yihiin. Wax ay cunaan, wax ay cabbaan, musqulo macna leh, hu iyo hooy midna ma haystaan.

Goobta ay ku sugan yihiin oo loo yaqaan Liido Labaad ama secondo lido, waa meel kor u kacsan oo badda ku soo jeeddaa. Waxaa ku dhacaysa dabayl xoog leh, oo xataa maalintii qabow dhaxan xigeena ah.

Qaarkood waa qoysas ka kooban aabbe, hooyo iyo carruur.

Waxaan soo arkay xaalad aan aad ugu calool xumaaday ummad dagaal ka soo qaxday, oo miciin na soo badday in ay xaaladdaas ku sugnaato waan dhibsaday.

General Saacid oo ah Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa shalay u geeyay timir, rooti, biyo iyo sonkor. Kuma wada filneyn, intii ay gaartay ayaan u qeybinnay.

Waxaan hubaa in dadkaas iyada oo aan culeys badan lahayn maalin walba raashinkooda meel la saari karo haddii bulshadu ay iska kaashato.

Midda kale, waa lama huraan in Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, laga wada diiwaan geliyo maaddaama aan la aqoon wakhtiga uu qaadan doono joogitaanka Qaxootigu.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed