|

Tirsiga 1 aad. ” Shacabka JSL waa Xog-maal lagumana xukumi karo Xil-gudasho la’aan Hadoodilan oo Xoog iyo Xeelad ah. Maandheyt kii Xukuumada Siilaanyo wuxuu ku eg-yahay 27/7/15

Waa Taxanaheenii ” Tusbax furmey ”  oo aynu ku qaadaa dhigi doono dulmiga laga galay Hanaankii Dimuqraadiyada ee Somaliland ku taameysay mudada dheer. dulmiga laga galay shacabka reer Somaliland ee isbedel doonka ah. Mujtamaca  reer SL ee isbedel doonka ahi waxay xaq u leeyhiin in ay waqtigeeda ku dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, si ay u doortaan Madaxweyne ay ku aaminaan maatadooda,masiirkooda iyo aayahooda. Dimuqraadiyadu maaha waxyi mar qudha soo dega ee waxay ku dhisantaa oo ku qaan gaadhaa wada tashi, isu tanaasul, is-ixtiraam  iyo is qancin.

Masuuliyada  Doorashooyinku waxay dumadiisa saran tahay oo sharciga Dastuurka JSL ku waajibiyey  Madaxweyne Siilaanyo in uu waqtigooda ku qabto. Hadaba maadaama uu doorashooyinkii uu waqtigoodii ku qaban waayey Madaxweyne Siilaanyo iyada oo aaney jirin cudur daar cadaan ah oo sharciyeed. Waxaa  Golaha Baarlamaanka ku waajib ah in ay Madaxweynaha ugu yeedhaan  Xarunta Golahooda si ay uga xog-wareystaan arimaha sharciyeed ee mudo kordhinta loo cuskaday iyaga oo adeegsanaaya awooda Qodobada Dastuuriga ah ee 53-aad farqadiisa 6-aad, hadii uu golaha iman waayo Madaxweyne Siilaanyo, waa in ay udeegsadaan awooda Qodobka 121-aad ee Dastuurka qaranka kuna soo oogaan Khiyaamo qaran ( High Treason ) iyo ku xadgudub dastuur qaran ka dibna lagu qaadaa xilgudasho la’aan maamuus ka xayuubin ah ( impeachments). hadii ay fursan weydo.Waa in ay Golaha baarlamaanku ay xaqa is dul-taagaan oo go’aan adag ka qaataan oo wadanka ka bad-baadiyaan Mudo-dhaafka Xukuumada Siilaanyo ee ku saleysan deris-ku noosha ,xod-xodashada iyo ” Xooga iyo Xeelada “.
Marna shacabka JSL ee isbedel doonka ahi ma ogolaan doonaan in Dastuurkii qaranka ee ay u codeeyeen boqolkiiba 79.5%  in shaqsiyaad gaar ah oo garanwaa ahi  ay siday donaan ugu tuntaan oo ugu tagri falaan Masiirkii, aayihii iyo akhlaaqiyaadkii  ay xaqa u lahaayeen Muwaadiniinta reer Somaliland ee isbedeldoonka ahi.
Markaad  iyana u fiirsato mudo kordhinta aabaheed goblamay ee ay golaha guurtidu sameeyeen ee ay u adeegsadeen qodobada Dastuurka  ee  42-aad iyo qodobka 83-aad – Waa xaaraan cadaan ah in ay adoowada qodobadan  adeegsadaan maadaama  aaney jirin sababihii ay qodobadani qeexayeen oo ah Aafooyin dalka ku habsada sida Dagaalo, Abaaro,Duufaano, Cuduro faafaa iyo IWM.
Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay, Xaaladan cakiran ee Siyaasadeed side looga badbaadi karaa?  Waxaa looga bad-baadi karaa in dib loogu soo noqdo Dastuurkii qaranka qodobkiisa 9-aad , qodobkaas oo awoodiisu  dhayda ka cadeynayso oo qeexayso in Nidaamka Siyaasadeed ee qaranimada Jamhuuriyada Somaliland uu ku dhisan yahay oo saldhig u yahay Talo-wadaag, isu-tanaasul, Nabadgelyo oo ay  Dimuqraadiyadi ku dheehan tahay. Qodobkani Shacrci ahaan waa ka awooda buuxa siinaaya Sharciyan Heshiisyadii ay Sedexda xisbi qaran, komishanka qaranka iyo Caalamkuba isku raaceen mujtamaca reer Somalilandna ay sacabka u-tumeen, kaas oo Golahii  Guurtiduna ay laashay iyada oo aan cidna kala tashan una marin sife sharciga qaranka waafaqsan. Golaha Guurtidu waxa  ay baa’biisay aas-aaskii sharciga ahaa ee JSL ku soo caano maashay mudada dheer.
Waxaa shacabka JSL uu dareensan yahay in  Mudo Xileedkii Xukuumada Siilaanyo uu ku eeg yahay maanta oo Taariikhdu tahay 26/6/16 oo ay aheyd in ay doorashadu dalka ka dhacdo, laakiin Duulka jecel in ay beerka iyo beerta  ka daaqaan baarka sare ayaa ku hadaaqa in mudo xileedka Siilaanyo  ku eg yahay 27/7/15 iyaga oo ka shidaal qaadanaaya  maalintii loo dhaariyey Madaxnimada Dalka.  Hadaba hadaan xal wada tashi ah loo helin muran sharciyeedka Siyaasadeed ee ka taagan  doorashooyinka isbarkan inta ka horeysa 27/7/15 oo aan la isugu iman Shir-Qaran. Waxaa dalka ka bilaabmi doona Dabeylo ba’an iyo Duufaano isbedel doon ah oo aad u ruxi doona Xukuumada fashilantay ee waqtigeedi Dhamaaday.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Comments are closed