|

Ayaamaha Idlaaday,Hanjabaada Mucaaridka ee soo saarista Go’aan Xukuumada ka dhan ah iyo Aamusnaanta Qiil weyday ee Dawlada

Hargaysa 26.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ku hanjabay inay go’aan midaysan ka soo saari doonaan sharcinimada xukuumadda KULMIYE, haddii aan wax heshiis ah la gaadhin inta ka horreysa waqtiga xilku ka dhammaanayo Madaxweynaha oo ku eeg 27 July 2015.

Isbahaysiga MucaaridkaHoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo ay wehelinayeen siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa shir wadajir ah oo ay ku yeesheen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxay kaga doodeen mowqifka ay ka qaadan doonaan dib-u-dhaca doorashooyinka iyo dhaqangelin la’aanta heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu kala saxeexdeen ee la xidhiidhay in doorashooyinku qabsoomaan December 2016, kaas oo dhigayey in Komishanku soo saaro maalinta doorashada, isla markaana Madaxweynuhu ku dhaqangeliyo digreeto.

Haseyeeshee, Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI – Eng. Faysal Cali-waraabe, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo murrashaxa Madaxweynaha ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo kulankaas kadib la hadlay warbaahinta, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Siilaanyo in aannu ilaa hadda dhaqangelin heshiiskaasi oo muddo bil ahi ka soo wareegtay markii la kala saxeexday. Sidaasi darteedna, waxay ku hanjabeen inay qaadan doonaan go’aan wadajir ah oo ka dhan ah aqoonsiga sharcinimada ee xukuumadda, haddii aan heshiiskaas lagu fulin muddo bil gudaheed ah.

Waxaannu shacabka u caddaynaynaa in aanay xukuumaddu fulin heshiiskii la gaadhay, wax tallaabo ah oo ay qaadayna habayaraatee ma jirto, waayo meelo badan ayaa u furnaa haddii qanciso Guurtida, hadday maxkamad gaynayso, haddii Madaxweynuhu doorashada soo hormarinayo, dhammaan tallaabooyinkaa midna muu qaadin Madaxweynuhu.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu intaasi raaciyey hadalkiisa, “Waxaanu jecelahay inta ka horreysa muddo-xileedka Madaxweynaha oo ku eeg 27-ka July in haddii aannu nahay xisbiyada mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga soo wada saarno talo qaran oo waddanka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu gaadhsiinayo.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isna sheegay in xukuumaddu ka baxday heshiiskii ay la gaadhay axsaabta, isla markaana Madaxweynuhu ka gaabiyey waajibkii ka saarnaa dhaqangelintiisa, sidaas darteed wixii dalka ka dhaca uu masuul ka noqonayo, “Xilka dalkani wuxuu saaran yahay Madaxweynaha oo loo dhaariyey, in aannu cid kale u daba fadhiisanno taladii loo dhiibo shacabka xaq looguma laha, annagana xaq nalooguma laha…Markaa waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa in heshiiskii aannu galnay ee Madaxweynaha ku-xigeenkiisu saxeexay aanaan ilaa hadda wax natiijo ah ka hayn, noola eegtahayna in laga baxay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Dhinaca kale, murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dooday in aannu Madaxweyne Siilaanyo adeegsan awooddiisa dastuurka dalku siiyey, waxaannu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu waqtiga doorashada digreeto ku soo saaro oo xataa ka soo horreysiin karo xilliga Guurtidu kordhisay (27 March 2017) iyo heshiiska xisbiyada ee December 2016, wuxuu raaci karayaa waqtiga Komishanka, laakiin waxaad mootaa Madaxweynuhu awooddiisii ma isticmaalayo ama awoodba ma laha.”

Waxaannu soo saari doonaa inaanay xukuumaddu ahayn mid la aamini karo, inay khiyaamaysay asxaabta mucaaradka ah, markaa dawladda heshiis khiyaamaysay dawlad doorasho inay dalka ka qabato diyaar u ah inaanay ahayn baanu shacabka u sheegaynaa, isbahaysiga Mucaaradkuna talo ayuu iskugu iman,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Jamaal Cali Xuseen.

Dhanka kale Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa afka ka xidhatay ka hadalka qadiyada ay Xisbiyada Mucaaridku ka qaylinayaan ee dhaamadka Mudo Xileedka Madaxweynaha iyo Korodhsiimadii Guurtida ee Khilaafka Sii hurisay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed