Dawlada Kenya oo Shaacisay inay Macluumaad Muhiim ah ka qabsadeen Alshabaab SAWIRO
Nairobi 26.June 2015 (SDN/QJ)- Sawiro badan iyo muuqaalo filim ah ayaa laga helay qalab uu watay mid ka mid ah dagaalyahanadii Alshabaab ee lagu diley weerarkii ka dhacay Lamu.
Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska Evans oo muslimay ahaana 25jir weerar badan ka qaatay isla markaana watay kaamera ay ku jireen muuqaalo isugu jira sawiro iyo aflaam ayaa waxaa ay gacanta u gashay ciidamada Kenya.
Sawiradan ayaa waxaa laga arkayay doorkii uu ku lahaa ninkan Britishka ahaa ee la baxay magaca Abdul Hakim waxaana la rumeysan yahay in uu ka qeybqaatay weerar lagu diley illaa 70 ruux.
Xitaa muuqaalkan ayaa laga arkayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Evans weliba markii ay ku dhacaysay xabada dishay. Hase yeeshee dagaalyahanadii la socday ayaa awoodi waayay inay ka jiidaan halka uu ku dhacay 25jirkaan ayna badbaadiyaan kaamerada uu wax ku duubi jiray.
Evans waxa uu ka mid ahaa 11 jihaadi doon ah oo ku dhintey dagaalkii Lamu, iyadoo kaameradiisana laga helay saacado socday diyaargarowgii loogu jirey weerarka.
Evans ayaa lala xiriirinayaa in uu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Garissa ee Waqoyi Bari Kenya halkaa oo ay ku dhinteen 147 ruux boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.
Nairobi SDN/QJ