Culimo Meel Adag iska Taagay Fanaaniin Soomaali ah oo ku Jees Jeesaya Qur’aanka Kariimka DAAWO
Nairobi 26.June 2015 (SDN/QJ)- Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa si xawli ah Baraha ay Bulshada ugu xidhiidho ugu soo badanayay Fannaaniin isugu jira Rag iyo Dumar soo duubayay Muuqaalo ay ku muujinayeen inay ku tartamayaan Qur’aanka Kariimka ah ee Qawl-ka Eebe.
Culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay talaabada ay qaadeen Fannaaniintu oo ay ku tilmaameen inay tahay JEES JEES iyo Qur’aanka oo ay ku ciyaarayaan,waxaana ay sheegen Culumaduinay jiraan qaab loo Akhriyo Qur’aanka,looguna tartamo Qawlka EEBE.
‘’In Ilaahay Aayaadkiisa lagu Jees jeeso oo ruux Akhrinaya Cayaaro oo Jajabiyo oo Fannaanadu iyada oo qaawan ay tiraahdo waan akhrinayaa,waa Badweynta Dambiyada ee Fannaaniintu ay ku dhexjireen uun bay mid ka wayn soo galeen oo Shaybaarkii baa meel kale usi jiiday’’Ayuu yiri Sheekh Umal.
Sheekh Umal ayaa sheegay in Qashinka noocaan oo kale ah cida samaynaysa ay Eebe u noqoto.
Nairobi SDN/QJ