D-Puntland oo sheegtay gudoomiye Jawaari inuu caadaystay jabinta dastuurka,Shaacisayna in aanay aqoonsan doonin Maamulka Galmudug Akhri Qoraalkan
Garoowe 26.June 2015 (SDN/QJ)- Dowladda Punt;and ayaa wax lala yaaabo ku tilmaamtay sida uu dastuurka iyo qawaaniinta dalka ugu tumanayo guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya Jawaari.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inuu Jawaari dagaal xoogaan ku hayo jiritaanka Puntland iyo Jubbaland, taasoo muujinaysa cadaawada uu u hayo shacuubta degen deegaanada ay maamuladaas.
Hadalkaan ayaa lagu sheegay shirka golaha wasiirada xukuumada Puntland ee khamiistii shalay kaasoo looga hadlayay arrimaha gobolada dhexe.
Puntland waxay sheegtay habo yaraatee inaysan aqoonsandoonin maamulka Galmudug ee sida sharci darrada lagu dhisayo.
Halkaan ka akhriso warsaxafadeedka dowladda .
Garoowe SDN/QJ