Qorshe Shirqool oo ay isku bahaysteen Sirdoonka dalalka Sudan iyo Masar oo ay Faafisay Shabakada Afka dheer Wikileaks
Washington, 25 June, 2015 (SDN/QJ)- Sirdoonka Dalalka Masar iyo Suudaan, ayaa isku-dayey Qorshe ay doonayeen inay ku khaarajiyaan Madaxweynaha waddanka Koonfurta Suudan Salva Kiir iyo Sarkaal ka tirsan shaqaale hoosaadkiisa, iyada oo haya’daha Sirdoonka labada waddanka taageero ka helaya dowladda Boqortooyada Sucuudiga.
Sida ay todobaadkan faafisay shabakadda Wikileaks oo gacanta ku dhigtay in ka badan dokumentiyo tiradodu gaadhayso 60,000 oo laga helay safaaradaha Boqortooyada Sucuudigu ku leedahay waddamada Dunida, qorshaha ay sirdoonka labada waddan ku doonayeen inay ku khaarajiyaan madaxweynaha Koonfurta Sudan waxa la socotay isla markaana ka war-haysayn Safaaradda Boqrotooyada Sucuudigu ku leedahay magaalada Khardoum oo ka mid ahayd goobaha laga helay Xogaha Dibloomasiyadeed ee boqortooyada Sucuudiga.
Shabakadda Wikileak oo boggeeda Internetka ku baahisay in ka badan 60,000 dokumentiyo diblomasiyadeed oo laga helay Safaaradaha Boqortooyadu ku leedahay dalalka dibadda, isla markaana ballan-qaadday inay toddobaadyada soo socda baahin doonto qaar kale. Haseyeeshee mid ka mid ah Dokumentiyada laga helay Safaaradda Sucuudiga ee magaalada Khardoum ee caasimadda Suudaan, ayaa ka war-heshay Saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Masar oo ku hawlanaa hawl-galka khaarajinta Mr Silva Kiir, kuwaas oo deggenaa meel u dhow Safaaradda Sucuudiga.
Sida laga helay dokumentiyada safaaradda Sucuudiga, qorshaha hawl-galka Sirdoonka Masar oo khaashanaya ciidanka Nabad-sugidda Suudaan ee NISS, ayaa ayaa sidii ay u khaarajin lahaayeen Madaxweynaha Koonfurta Sudan Silva Kiir iyo sarkaal ka tirsan hawl-wadeennadiisa oo aan la magac-dhabin.
Sida laga ogaaday xogaha dibloomasiyadeed ee Wikileaks fashiliyey, warka la xidhiidha qorshaha dilka madaxweynaha Koonfurta Suudaan, ayaa loo gudbiyey Caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh, gaar ahaan Boqorka Sucuudiga iyo Wasaaradda Khaarajiga, waxaana warbixinta lagu lifaaqay xogta laga helay Sucuudiga lagu sheegay in Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Faysal Al-Sacuud uu ku saxeexnaa dokumentiga la gudbiyey.
In kasta oo xogahan dibloomasiyadeed fashiliyeen qorshaha lagu aan suurta-galin ee lagu khaarajin rabay madaxweynaha waddanka ugu da’da yar qaaradda Afrika, haddana macluumadkan lagu xusin wakhtiga ay dowladaha Carbeed Isku bahaysteen Shir-qoolkan. Sidoo kale, xogahani ma sheegin halka uu ku dambeeyey qorshahaasi iyo waxa hor-istaagay fulintiisa.
Washington SDN/QJ