Madaxweynaha Su’aal lama Weydiin karo,Warkuba intaas ayuu ku dhan yahay
Hargaysa 26.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha su,aal lama waydiin karo, intaa uu yidhi uun qaata. Warkuba intaasuu ku idil yahay, wixii kale war raadis maaha ee waa maag, waydiintana warkeed dhaaf, iyadu waa waxyeelo qaran. weriyaha wanaagsani waa ka aan su,aal waydiinin madaxweynaha, ka kale maaha weriye.
Looma baahna in dadka run loo sheego. Runtu waa hadba inta madaxweynuhu yidhaahdo, xaqiiqduna waa intaa, bes, intaasaa dadka ku filan. Markaa ha sheegin khaladaadka iyo dhaliisha madaxda dawlada, waayo, hadaad sheegto waxaad wax u dhimaysaa danta guud.
Saxaafadda xorta ahi maaha ta aragta musuqa madaxdu samaynayso, maaha ta maradda ka qaada beenta ay umadda u sheegaan, mana aha ta aragta dhaliishooda iyo khaladkooda. Taasi maaha saxaafad xor ah ee waa cadow. Saxaafadda xorta ahi waa ta asturta madaxda khaladkooda, waa ta tebisa waxay jecel yihiin oo keliya, waa beentooda dadka run uga dhigta, waa ta aan qodqodin madaxda, waa ta aan ka cadhaysiin, waa ta… waa ta….. beennaale markhaatigiisuu fogeeyaaye madaxweynuhu markuu Addis ababa ka soo laabtay, ma wax buu qariyay, waxba muu qarin. Markaa weriyaha intaa ku qanci waayay, wax kaluu doonayaa, wuxuu doonayana wuu heli. Bal eeg wuxuu yidhi; “Waxaan laba cisho ku maqnaa dalka Ethiopia, waxaanan is aragnay ra’isal wasaaraha Ethiopia, waxaanu ka wada hadalay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo in la xoojiyo hawlaha inaga dhexeeya ee xagga nabad galyada iyo dhinac walba ku shuqul leh.”
Mahadsanid madaxweyne, waxba maad reebin, wax kale oo lagu sii waydiiyaana meesha ma yaalaan, weriyayaashuna waa kaa raali, miyaanay sidaa ahayn?.
Maya… maya… beentu midabo badanaa. Xaqiiqda maydhaami ogaa, markay runtu timaadana fakan ogaa. Lug yar cimri badan ma leh. Saxaafada xorta ahina maaha ta sidaa u shaqaysa. Taasi waa carroog shaydaan, waa mid la dooriyay, waxase hilaadintu tahay dhabihii ay sidaa ku noqon lahayd in lagu joogo. Baahi uma qabno saxaafad noocaas ah, haddana weli door mood sidaa jeceli ma dhamaanin.
Madaxweynuhu wuu sii taagnaa markuu hadalkiisa dhamaystay, qiyaastii wuxuu dhawrayay in wax la waydiiyo, balse lagama ogolaan, labadaba xorriyadii baa laga qaaday. Jawaabtii ficilkaasina waxay noqotay guux weriyayaashii goobta joogay ka soo yeedhay. Laakiin waxba isma bedelin.
Talaabadaasi waxay sababtay in Warfidiyeenka warbaahinta kala duwan ay markii u horaysay afka furtaan. Ka hadlaan dhibaatada ka hor timi hawl gudashadooda. Khaladka kelifay maaha mid ugub ah oo maanta bilowday ee waa mid haatan u muuqda mid lala qabsaday. Waa mid shantaa sano ee madaxweyne Siilaanyo talada hayayba isa soo tarayay. Waa mid warbaahinta gebigeedba sawir kale geyaysiiyay. Waa sunne cusub oo horseedaya, in saxaafada la gaadhsiiyo heer ay noqoto weel wax lagu shubto, oon dhidid ka soo celinin waxa lagu shubay.
Suuragal maaha taasi. Qofka waa la cabudhin karaa, inta la xidho muddo waa la hayn karaa, balse warka lama cabudhin karo. Sidaa darteed, looma baahna dhaqanka noocaas ah, faa,iidana kuma jirto, ka soo rayn iyo wada
shaqayn intaa dhaanta in lagu bedelo ayaa ka wanaagsan, taasaa qaneecaad u yeelan karta dalka iyo dadkaba. Habkaasaa fududayn kara in saxaafadu waajibkeeda gudato, kaasaa sahli kara in dadku xaqiiqda ogaado, kaasaa lagaga fursan karaa xigashooyinka khaldan, kaasaa ku khasbi kara masuulka inuu dhaliishiisa saxo.
Sidaasaa lagu sixi karaa khaladaadka labada dhinacba. Laakiin inta warku yahay, madaxweynuhu wuxuu tegay imaaraadka, wuu ka soo noqday. Wuxuu tegay itoobiya, wuu ka soo noqday, ee la diidayo in wax la waydiiyo masuulka, beentu way jiraysaa, warkana si aanuu qofka qarinayaa jeclayn baa loo helayaa.
Xigasho Wargayska Ogaal