|

“Waxanu Jecelahay sharciyadda Madaxweynaha oo 27-ka bisha jully ah inaanu soo wada saarno talo qaran oo waddanka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu gaadhsiinayo.”Gudd. Cirro

Hargeysa:June,25,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa ka Hadlay habacsanaanta ku timi heshiiskii axsaabta qaranka iyo xukuumaddu hore uga wada gaadheen Muddo-kordhinta Madaxweynaha, waxana uu sheegay inay xukuumaddu heshiiskaas si badheedh ah uga baxday.

cirroGuddoomiye Cirro oo maanta ka Hadlayey madal ay mucaaridka iyo madasha wada-tashigu iskugu yimaaddeen, ayaa hoosta ka xarriiqay inay xukuumaddu mijo xaabisay heshiiskii hore loo gaadhay,

“Waxanu ka arrinsanaynay arrimaha guud ee Somaliland, waxana aanu maanta halkan u fadhinaa inaaanu shacabka u caddayno in heshiiskii Xukuumadda iyo Axsaabta qaranku wada Galeen oo muddo bil ahi ka dambaysay aanay xukuumaddu heshiiskaas fulin, wax tallaabo ah oo ay qaaddayna aanay jirin.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay inay xukuumadda u furnaayeen albaabo badan oo ay heshiiska ku hirgelin lahayd, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Meelo badan baa u furnaa oo haddii maxkamad la geynayo, Haddii madaxweynuhu doorashada soo hormarinayo, Haddii guurtida la qancinayo intuba waa ufurnaayeen, laakiin tallaabooyinkaas midna ma qaadin madaxweynuhu, waxa kale oo bulshada shaki badan geliyey Hadalkii uu madaxweynuhu Garoonka ka yidhi oo shacbiga intiisa badani u qaateen in Go’aankii ay axsaabta la gashay xukuumaddu ka noqotay.”

Waxa uu Beesha caalamka iyo Shacabka somaliland-ba  caddeeyey inay xukuumaddu heshiiskaas ka baxday,“Waxanu caddaynaynaa in heshiiskii uu dhinaca xukuumadda ka buray, waxana aanu halkan u fadhinaa inaanu farriintaas shacbiga gaadhsiino, waxa aanu kale oo farriin gaadhsiinaynayaa culimada, ganacsatada, salaadiinta iyo ururrada Bulshada oo had iyo jeer qayb ka ahaan jirey marka arrimuhu adkaadaan oo odhan jirey haku kala kicina, Beesha caalamkana waxanu u caddaynaynaa in Heshiiskii xukuumaddu fulinweyday oo ka Baxday.” Ayuu yidhi Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) waxa uu sheegay in mucaaridka shirar isdaba joog ahi usii socon doonaan, isla-markaana ka hor inta ka Hadhay muddo-xileedka madaxweynaha ay soo saari doonaan Talo qaranka lagu badbaadinayo, waxana uu yidhi,

“Waxanu talo midaysan iskugu iman doonaa Axsaabta Mucaaridka iyo Madasha wada-tashiga, annagoo wax badan tixgelinayna waxa Halkaas ka caddaanaysa inaanay xukuumaddu diyaar u ahayn doorasho, doorashana ina gaadhsiin karaynin. Waxanu Jecelahay sharciyadda Madaxweynaha oo 27-ka bisha jully ah inaanu soo wada saarno talo qaran oo waddanka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu gaadhsiinayo.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed