Sadexdii Madaxweyne ee Faransiiska isaga danbeeyay oo Maraykanku Basaasay iyo Hanjabaada Faransiiska
New York 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Dawladda Maraykanka, gaar ahaan hay’adda ammaanka u qaabilsan ee NSA, ayaa laga helay xogo iyo dokumantiyo shaaciyey in ay basaasaytay saddexdii madaxweyne ee u kala dambeeyey xukunka dalka Faransiiska – Jacques Chirac, Nicolar Sarkozy iyo hoggaamiyaha waqtigan ee Francois Hollande.
Sida uu iftiimiyey sir-faafiyaha la yidhaa Wikileaks oo Wargayska Jamhuuriya soo xigtay, hawlgallada lagu dhegaysanayey madaxweynayaasha, wasiirro iyo diblomaasiyiinta dalka Faransiiska, waxa uu socday intii u dhexaysay sannadihii 1995kii ilaa 2012-kiii. Sida warbaahintu sheegtay dokumantiyada lagu ogaaday sirahan waxay muujiyeen shan warbixinood oo hay’adda ammaanka Maraykanku ka diyaarisay dhegaysiga telefoonnada Madaxweynayaasha iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Faransiiska.
Dokumantigii ugu dambeeyey ee NSA diyaariso oo ku beegnaa 22 May 2012kii oo ahaa maalmo yar uun ka hor markii Madaxweynaha hadda ee Faransiiska xafiiska madaxtooyada la wareegay, waxa lagu ogaaday in madaxweyne Hollande ansixiyey in kulamo qarsoodi ah uu Paris kula yeesho hoggaamiyayaasha Yurub si uu uga hadlo dhibaatooyinka qaaradda ka taagan ee dhinaca dhaqaalaha, gaar ahaan mushkiladaha dhaqaale la’aan ee haysta dalka Giriiga.
Waxa kaloo ka mid ah dokumantiyadan mid la diyaariyey 2008kii oo cinwaan looga dhigay; ‘Sarkozy waxa uu isu arkaa inuu yahay ka kaliya ee xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee caalamka ka taagan’ (Sarkozy sees himself as only one who can resolve world financial crisis.’
Madaxweynaha hadda talada haya ee Faransiiska Mr. Hollande, ayaa kulan la yeeshay golihiisa difaaca si ay uga doodaan xaaladaha la xidhiidha basaasidda Maraykanku ku sameeyey dalkiisa, iyadoo la isla qaatay in loo yeedho safiirka USA u fadhiya Paris si wax looga weydiiyo eedaymaha khuseeya inay basaaseen telefoonnada madaxda waddankooda.
Madaxweyne Hollande, ayaa isna sheegay in aannu marna u dulqaadan doonaan falal iyo tallaabooyin waxyeello ku ah ammaanka qarankiisa.
Sirahan la fashiliyey waxay ka daba yimaaddeen, kadib markii ninka la yidhaa Edward Snowden oo ka tirsanaa waaxda ammaanka ee dalka Maraykanka (NSA) uu sannadkii 2013kii fashiliyey in Ameerikaanku dhegaysto telefoonnada hoggaamiyaal ay ka mid tahay hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Markel, waxaanay arrintaasi abuurtay shaki xooggan oo ku saabsan in Maraykanku basaaso masuuliyiinta dalalka xulafada la ah si uu u ogaado siyaasadooda qarsoon.
Dokumantigan Wikilearks fashilisay waxa ay caddeeyeen in hay’adda NSA basaasaysay isgaadhsiinta hoggaamiyayaasha Faransiiska. Tusaale ahaan; Mr. Hollande waxay basaastay 2012kii, halka Mr. Sarkozy ay dhegaysanaysay intii u dhexaysay 2007 ilaa 2012kii, sidoo kale Mr. Chirac waxa basaasiddu ku socotay 1995 ilaa 2007, halka diblomaasiyiin iyo wasiirro Faransiis ah laftooda hawlgalkan basaasnimada lagu waday.
Geesta kale, Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, ayaa diiday eedahan, iyagoo sheegay in aanay dhegaysan masuuliyiinta dalka Faransiiska.
“Maannu bartilmaameedsan, mana bartilmaameedsanayno isgaadhsiinta Madaxweyne Hollande, waana arrin been-abuur ah.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Golaha Ammaanka Maraykanka Mr. Ned Price.
Sidoo kale, dukumantiyada la soo bandhigay waxa ku jira lambarro saraakiil sare oo qasriga Faransiiska ee Elysee ka tirsan, kuwaasoo la dhegaystay iyo waliba xogo laga duubay masuuliiyiinta Faransiiska oo hoggaamiyayaasha Yurub kala hadlayey dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee Yurub soo waajahay.
New York SDN/QJ