|

Qalalaase Nabadgalyo oo ka Dhashay Talaabo uu Madaxweyne Gaas Xilalkii kaga qaaday Taliyeyaasha Ciidamada

Garoowe 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa dhibaato kala kulmay xil-ka-qaadis uu ku sameeyey taliyihii hore ciiddamada PIS-ta Mr. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-tare) iyo Taliye-ku-xigeenkii hore ciiddamada booliska Muxuyadiin Axmed Muuse, kuwaasoo diiday inay xilalka wareejiyaan.

qaska Punt landSida lagu baahiyey shabakadaha wararka Soomaalida, cabsi xooggan oo dhinaca ammaanka ayaa ka taagan magaalada Garoowe, iyadoo arrintaasi sababay in xaaladda ammaanku qasanto, kadib markii la ogaaday in taliye-ku-xigeenkii booliska oo aan wax xil ah ahayn uu magaalada dhexdeeda ku haysto ciidan tiro badan oo ka amar qaata.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliska Puntland, ayaa tibaaxay in ciidanka taliye-ku-xigeenkoodii kaxaystay yihiin malleeshiyo markii hore beel ahaan loogu qarameeyey, isla markaana iyagoo hubkoodii wata raaceen markii xilka laga qaaday.

Cabdulqaadir Xasan Cali oo ah suxufi madaxbannaan oo Garoowe ku sugan, ayaa qaar ka mid ah saxaafadda u sheegay in xiisadda cusub tahay mid si weyn looga hadal hayo degaannada Puntland, waxaanna soconaya dhaqdhaqaaqyo ay wadaan isimmo iyo waxgaradka Puntland oo la doonayo in xaaladda wax laga qabto inta aanay faraha ka bixin, si loo dejiyo xiisada dhinac kacsan ee halista ku ah ammaanka Puntland.

Taliye-ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland wuxuu shuruud kaga dhigay inuu hubka iyo ciidanka wareejiyo in marka hore laga bixiyo lacag hal milyan oo doollar ah oo kaga baxday howlaha ciidammada,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xasan, isagoo intaa raaciyey in xaaladdu tahay mid cabsi wadata, inkastoo ay suurtogal tahay in saraakiishaasi u dhega-nuglaadaan wixii ay kula taliyaan isimada u kala dabqaadaya iyaga iyo maamulka Cabdiweli.

Khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta iyo saraakiisha ammaanka ee maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid halis ku ah nabadgelyada aan cagaha adag ku taagnayn ee maamulkaas, taasoo sababi karta isku dhacyo dhinaca beelaha ah oo ka dhaca halkaas.

Garoowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed