“Itoobiya Waxay ka Heshaa Iibka Caanaha Geela Dekhli Dhan 3 Kun oo Dollar Sanadkii”
Addis Ababa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Dawladda Itoobiya, ayaa shaacisay inay iibka caanaha geela dalkeeda ee loo dhoofiyo Somaliland, Jabuuti iyo Maamul-goboleedka Puntland ay ka heshay dakhli dan $300 kun oo dollar sannadkan lagu jiro ee 2015.
Warbixin lagu baahiyey wakaalada wararka ee la yidhaah Walta Information Center, ayaa lagu sheegay in caanaha geelu qayb ka yihiin koboca dhinaca dakhliga ee waddanka Itoobiya, isla markaana ka qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha.
Ku-xigeenka Agaasimaha Mac-hadka horumarinta hilibka iyo caanaha ee dalka Itoobiya Mr. Tedesse Gubta, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dakhli badan ay ka heleen iibka caanaha geela dalkooda ee la geeyo Somaliland, Jabuuti iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Warbixinta la soo saaray oo Wargayska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa lagu sheegay in dalka Itoobiya uu haysto geel aad u badan oo looga faa’iidaysto siyaabo kala duwan, iyadoo la iftiimiyey in hasha geela ah laga lisi karo ilaa lix litir oo caanno ah, kuwaasoo qiimahoodu dhan yihiin $20 doollar.
Waxa kaloo Itoobiya sheegtay inay haysato lo’ tiradoodu dhan tahay 54 milyan oo neef, qiyaastiina 10 milyan oo lo’daas ka mid ah laga liso caano, iyadoo guud ahaan wax-soo-saarka caanaha kala duwan ee xooluhu ay dhan yihiin 4 bilyan oo litir.
Addis Ababa SDN/QJ