|

Nin Ingiriiska u dhashay oo Film Qaade u ah Kooxda Alshabaab ee Somalia

London, 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Thomas Evans ayaa BBC ayaa shaaca ka qaaday in qofkii ugu horeeyay ee British ah ee lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Kenya oo Al-shabaab ka tirsanaa, inuu ahaa taliye ku xigeenka kooxdii uu la socday.

Ninkan ayaa ku dhintay weerar Axaddii la soo dhaafay ka dhacay meel u dhow magaalada Lamu, kaas oo Al-shabaab ay ku qaadeen xero militariga Kenya ay leeyihiin.Thomas Evans, ayaa sidoo kale ahaa filimqaadaha kooxdaasi, kaas oo sida booliska Kenya ay sheegayaan inuu sawirada ka qaadayay weerarka illaa uu ka dhammaanayay.Sidoo kale BBC waxa ay daaha ka qaadeysaa in ninka oo 25 sano jir ahaa, soona Muslimay, inuu mar hore uu isku deyay inuu Kenya soogalo laakiin uu ku guuldareystay.Alshabaab waxaa ka mid ah dad badan oo aan Afrikaan ahayn Shaac ka qaadistan ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Kenya ay magacawday 38 qof oo dagaal yahano u ah Al-shabaab, kuwaas oo ay aaminsan tahay inay ka dambeeyeen dagaalkii Axaddii hore.Inkastoo fiidiyowga ay Al-shabaab iska duubeen uu ka muuqday dagaalyahanka Britishka ah oo ku sugan keyn ay ku dhuuntaan kooxda, BBC waxa ay ogaatay in Thomas Evans – oo sidoo kale loo garanaayay Cabdul Xakiim – dhanka kale ee caamirada ayuu taagnaa.Booliska Kenya waxa ay xaqiijinayaan inuu ahaa filimqaadaha kooxda Al-shabaab, kaas oo filimqaadayay illaa laga dilo oo uu ku dhintay dagaalkii ay xerada militariga lagu qaaday.Dhowaantan ayaa sidoo kale la maqlay codkiisa oo idaacad laga siidaayay asigoo amar qeylo ah siinayay dhallinyaro u dagaallanta Al-shabaab.

Sidoo kale BBC waxa ay ogaatay in laba jeer uu isku deyay inuu dalkan Kenya soogalo ka hor intuusan Al-shabaab ku biirin, laakiin dib loo celiyay.waxaa jiro filimqaadayaan dagaallada u duubo Alshabaab.Waxaa sidoo kale la og yahay in booliska Britain ay mar ka celiyeen garoonka diyaaradaha ee Heathrow, 2011kii.Balse, mar kale ayuu isku deyay inuu soo baxo, taas oo u suuragashay.Waxa uu ahaa mid ka mid ah, 100 qof oo British ah oo booliska ay aaminsan yihiin inay ku biireen Al-shabaab.

Waxaana lagu eedeynayaa dhammaantood inay ka qeybgaleen weeraro aad u cuslaa, oo uu ka mid yahay weerarkii Westgate, iyo kii jaamacadda Garissa oo ku dhowaad 150 qof ay ku dhinteen.Dowladda Kenya ayaa soo saartay sawirada 38 qof oo ay rumeysan tahay inay ka qeybqaateen weerarkii Al-shabaab ee Axaddii.Waxaa dadkaasi ka mid ah qof u dhashay dalka Jarmalka, kaas oo la doondoonayay lixdii sano ee la soo dhaafay.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed