|

Hargaysa Magaalo uu Ku soo Badanayo Dilalku Iyo Shacabka oo Baafinaya Doorkii Ciidamada

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Magaalada Hargeysa ayaa Xallay lagu dilay nin ka mid ah Shicibka Magaalada ku nool ninkan ayaa la sheegay in la Dilay afurkii ka dib isla markaana Maydkiisa la geyey  Cisibtaalka Hargeysa.

Warar aanu helayno ayaa sheegaya in ninka Marxuumaka ee la dilay  lagu dilay agaagarka Dooxa Hargeysa gaar ahaana Birishka weyn  ee Suuqa hoose u dhaw illaa hadda lama garanyo sababta loo dilay ninkaasi iyo ciida dishay Basle Booliska oo aanu la Xidhidhnay way ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan Dilkaasi sidda uu u dhacay.

Bisha aynu ku jirno ayaa waxa magaalada Hargeysa ka dhacay Dilal kala duwan oo ay ku dhintan dad kala duwan oo isku jira Haween iyo Rag.

Shacabka Reer Hargeysa Booliska ku dhaliilay hanaanka ay uga falceliyaan Danbiyada ka dhaca magaalada oo ay sheegen in ay yihiin qaar gaabis ah.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed