Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Qaraxyo Lagu Halligmay Oo Muqdisho Gilgilay
Muqdisho:June,24,2015(SWN/QJ)-Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho, ayaa la sheegayaa inay ku nafwaayeen Tiro dad ah oo ay ku jiraan Saraakiil sarsare.
Weerarkan oo lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah, ayaa waxa uu ka dhacay Goobta loo yaqaano Tarabuunka, iyadoo dhimashaduna sii kordhayso.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaadhi Cabdi Bille ah oo kamid ahaa Gawaadhi Dagaal oo ilaalinayay Saraakiil u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegayo in uu ku jiro Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.
In ka badan 12-qof oo isugu jira Ciidan iyo shacab ayaa ku dhintay Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan kuwaa oo loola cararay Isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho.
Wariye Goobta qaraxu ka dhacay tagay ayaa soo sheegaya in Weerarka Ismiidaaminta ah uu ka dhashay qasaarooyin aad u xoogan, waxa uu tilmaamay in halka qaraxu ka dhacay ay aheyd goob mashquul badan ay xiligaasi dad badan ku sugnaayeen.
Lama oga in qasaare uu qaraxaasi kasoo gaadhay Saraakiishii Imaaraadka Carabta ahaa ee lasocday kolonyada la weeraray, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay Ciidamo katirsan Dowlada kuwaa oo dadka ku kala eryay rasaas.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliayada Weerarkaasi , waxaana Afhayeen u hadlay kooxdaasi uu sheegay in Weerarka ay la beegsaeen diplamaasiyiin ajaaniib ah oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Dowlada Soomaaliya ayaan dhankeeda ka hadlin Weerarkan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu beegsaday Saraakiil Imaaraadka Carabta u dhashay, waxaana Weerarkan imanayaa xili Al-Shabaab kordhiyeen Weerarada ay ka geysanayaan Goobaha ay Dowlada kataliso.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com