|

Wasiir Xukuumadda Madaxweyne Katirsanaan Jirey Oo Saaka Boorama Ku Geeriyooday

Borama:June,24,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud  Axmed Barre(garaad), ayaa saaka ku geeriyooday Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal.

garoodMarxuumka oo in muddo ahba xanuun ujiifay, ayaa ugu dambayn saaka geeriyooday, waxana lagu aasi doonaa Magaalada Borama, iyadoo masuuliyiin uu madaxweyne-ku-xigeenku kamid yahay aaskiisa ka qaybgeli doonaan.

Madaxweynaha somaliland Axmed Silaanyo, ayaa marxuumka tacsi u diray, waxana uu eehe uga rajeeyey naxariistii janno, isagoo ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna u rajeeyey inuu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka, ayaa kamid ahaa Wasiirrada ugu da’da weyn xukuumadda Madaxweyne Silaaanyo, waxana dhawaan  laga qaaday xilkii uu hayey ka hor intii aanu geeriyoon.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed