TAXANE:Marwada madaxweynaha Jabuuti iyo Awoodaheeda maamul iyo dhaqaale ee Jabuuti(qeybtii 2aad)
Paris June 23,2015(SDN/QJ)-Khadra Maxamuud Xeyd waxa ay ka mid aheyd gabdhaha yaraanta waxbarasho ku helay dalka Jabuuti ka hor intii dalkaasi aanu qaadan xoriyada sanadii 1977kii. Waxa ay Bare ama macalimad ka noqotay mid ka mida Dugsiyada Hoose ee dalkaasi waxaana lagu tilmaami jiray aqoonyahanad waxaaney ka mid aheyd indheer garadka dalka Jabuuti, sidaa waxa lagu shaaciyay warbixin dheer oo qoyska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka qortay Jariirada dalka Faransiiska ka soo baxda ee Indian Ocean Newsletter.
Waana sababtaa baa warbixinta lagu yiri in uu Cabdalah Maxamed Kamil oo markaa ahaa nin Cafari da’yar ah oo markaa uun jaamacad ka qalin jebiyay isla markaana noqon doona Raiisul wasaaraha dalka Jabuuti uu u guursaday.
Lamaanahaasi waxa eebe uu kala siiyay laba caruur ah, wiil iyo gabadh, balse guurkaasi ma waarin oo waxa ay Khadir intaa dabadeed Guursatay Ismaciil Cumar Geelle oo ay la dhacday intii uu seygeedu Raiisul Wasaaraha ahaa.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xiligaa qudhiisu ahaa madaxa xafiiska gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon.
Ismaaciil Cumar Geelle iyo Khadra Maxamuud Xeyd ayaa aqal galay sanadii 1982kii waxaaney isu leeyihiin sadex caruura oo labo yihiin Hablo.
Khadra Xeyd oo leh han laba ruux ku filan ayaa seygeeda ka caawisay gebi ahaanba dagaalada siyaasadeed ee uu u galay hanashada xilka madaxweynaha, dabadana ka riixday si uu u fuulo salaanka siyaasadeed.
Isla sanadii uu Ismaciil guursaday Khadra waxa uu ku biiray xisbiga talada dalka Jabuuti ilaa haatan haya ee RRP, ka dib dagaal culus oo uu la galay labada siyaasi ee Ismaciil Geedi Xareed oo xiligaa ahaa la-taliye madaxweyne iyo wasiirkii Cadaalada Jabuuti ee xiligaa Muumin Bahdoon Farax oo uu labadaba loodiyay.
Markii ay Khadri noqotay marwada Madaxweynaha Jabuuti waxa ay judhiiba gudo gashay hawlaha samafal oo ka mid ahaa hawlahaa marwada madaxweynaha. Waxeyse door siyaasadeed oo muhiima ka ciyaartay oo ay madax ka noqotay ururka haweenka Jabuuti ee (UNFD) urarkaa oo ay dhaqaalihiisa maamusho iyada oo isticmaaleysa xisaabiyaha ururkaasi Majida Xuseen oo ah haweeney u dhaxday ganacsade Yamani ah oo ay abaal u gashay.
Khadra Xeyd oo aaney isku wanaagsaneyn walaasheed shafika Maxamuud Xeyd oo iyada iyo odeygeeda oo hore u ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Booliska isla markaana ku nool Canada, ayaa aad ugu tiirsaneyd inamada walaaleheeda oo ay u dhiibtay xilal muhiima. Waxaaney xeyndaabka soo gelisay ganacsato sideeda ka soo jeeda Beesha Isaaq oo u baahnaa in ay gabaad siyaasadeed ka dhigtaan.
Jaamac Maxamuud Xeyd oo ahaa walaalkeed ka yar oo ay iyadu siyaasada ku gardaadisay ayaa kiyoo aad u yar ay u dheebtay xilka Guddoomiyaha Banka Dhexe ee Jabuuti.
Waxaanu xilkaa oo aanu wax aqoona u leheheyn hayay intii u dhexeysay sanadii 1994kii ilaa uu ka geeriyooday sanadii 2013kii. Marxuumka ayaanay aqoontiisu dhaafsiisneyn shaahaado Dugsi.
Khadra Xeyd ayaa waxa magacaabidaasi ay u saamaxday in ay dusha kala socoto maaliyada dalka, iyadoo sidoo kalena ay hantida dalka u isticmaaleysay dhaqdhaqaaqeeda siyaasadeed iyo ta ganacsiba ee iyada taageereyaasheeda iyo eheladeedadaba.
Sanadii 2013dii waxa ay Khadri ku guul dareysatay in ay xilkii walaakeed ka geeriyooday u dhiibto Axmed Cusmaan Cali oo isna ka soo jeeda beesheeda. Marwada Madaxweynaha Ayaan ka quusan in ay xilkaa u magacowdo Almis Mohamed Cabdilaahi oo uu dhalay inadeerkeed, Almis ayaa haatan ah Agaasime ku xigeenka Baanka horumarinta Africa isla markaana madax ka ah xafiiska maalgelinta dibeda ee xafiiska Miisaaniyada.
Mid kale oo ka mida walaaheed oo la yiraahdo Almis Maxamuud Xeyd oo isna leh tacliinta asaasiga ah ayaa mudo dheer ahaa Agaasimaha Duulista, halka xaaskiisu maqaaxi ay ku leedahay dekeda Jabuuti.. Gabadh uu Almis dhalay oo la yiraahdo Tolmoon Almis Xeyd oo culuunta dhismaha ka soo baratay Faransiiska , ayaa ku soo noqoshadeedii Jabuuti ka dib waxa ay ka shaqeyneysay xafiiska Hantida ka dibna waxa ay furatay shirkad ganacsi oo ay iyadu leedahay oo la yiraahdo Gobad Architectes. Intii ka danbeysay sanadii 2014kiina waxa ay madax ka ahaeyd shirkada duulista ee Harmony Air Service oo ah shirkad socdaal oo la shaqeysa Daallo Airlines .
Tolmoon ayaa dhawaan loo ansixiyay in ay furato beer loo damaashaad tago, ansixintan ayaa aheyd hadiyad ka dib kolkii ay sanadii hore guursatay wiil uu dhalay Cali Cabdi Faarax wasiirkii hore ee Warfaafinta Jabuuti iyo farxada dhaashada wiilkoodii u horeeyay. Tolmoon iyo inadeerteed Heybado Ismaciil Cumar Geelle ayaa isku malxiisay aroosyadoodii.
Tiro Ganacsato Isaaq ah oo hadhsada awooda Marwada madaxweynaha ayaa hadana mararka qaar ka carooda dalabyo ay u jeediso, Ganacsatadaa wax aka mid ah Maxamed Siciid Geedi oo ah mulkiilaha SomCable, oo la siiyay in uu xarkaha Internetka geeyo Somaliland. Axmed Cusmaan Geele(Arab) ayaa ah safiir sharafeedka Australia ay Jabuuti ku leedahay, waxaanu madax ka yahay ilaa 15 shirkadood oo hoos taga GSK Group oo ka hawl gala dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya. Labadaa Ganacsade ayaa bixiyay kharashkii ku baxay diyuurad caafimaad oo Nairobi lagu qaaday Marxuum Jaamac Xeyd kolkii uu ku dhuftay cudurka Faaliga.
Marwada Madaxweynaha Jabuuti Khadra Xeyd ayaa maamusha hantida madaxtooyada isla markaana bixisa, hantidaas oo ay ku jirto kuwa dalka dibediisa yaala. Hadii ay noqoto Adis Ababa iyo Paris.
Sanadkana waxa ay Khadra Xeyd isku dayday in ay iibsato Plain Ciel Hotel oo uu lahaa Cali Caarif Burhan oo xiligii daakhiliyada ahaa Raiisul Wasaaraha Jabuuti, balse qiimaha oo aad u sareeyay awgeed ma ay iibsan. Dhawaana waxa ay muujisay dameecada ah in ay iibsato Jabuuti Media Centre, dhisme uu leeyahay ganacsade Cumar Ceydiid oo hore mar u ahaa madaxa Djibnet oo haatan mashaakil canshuureed ay heysato.
Sanado ka Hor Marwada madaxweynaha Jabuuti waxa ay dusha ka maamushay aasaaska shirkada dhismaha ee Independent Constraction Company oo madaxtooyada laga lahaa, shirkadu waxa ay kacday sanadii 2011kii, Marwadu waxa ay sanadii 2009kii isku dhufatay madaxweynaha iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Booreh oo hore u maalgelin jiray madaxtooyada.
Boore manta waxa uu ku nool yahay London oo ay maxkamadi uga socoto, dawlada Jabuuti ayaa ku eedeysay in uu lunsaday hanti dawladeed.
Shirkada Boore ee Soprim ayaa mashruuc dhisme baaxad leh oo la yiraahdo City Centre u fulisay marwada Madaxweynaha, balse waxaan Boreh la siin kharshkii dhismaha, kolkii uu Cabdiraxmaan Booreh Jabuuti isaga baxsadayna waxa ay marwada madaxweynuhu isku dayday in ay la wareegto hantidii ina Booreh oo ay ku dalbatay Cornel Maxamed Jaamac oo wata ciidanka Jamhuuriga.
Kadib kolkii ay Marwada madaxweynuhu kaga iibsatay City Centre ganacsade Isaaq ah $300,000 oo aanu diidi kareyn isla markaana uu ku dhawaad $3 million oo dollar dib ugu dhisay Ina booreh oo aan weli kharashkiisii loo celin ayay Marwadu boqolaal kun oo Dollar sanad walba kiro uga qaadataa Baanka Jabuuti iyo Dekeda Jabuuti oo daartaa ku jira.
Khadra Xeyd waxa ay sidoo kale maamushaa shirkada SCI Haramous oo Paris xarun u tahay intii ka danbeysay 2002dii, Haramous waxa ay maareysaa hantida madaxtooyada Jabuti ee Paris, daar halkaa Shirkadu ku leedahay ayaa markii hore qiimeheedu ahaa €2.2 million, balse iminka qiimeheedu uu aad uga sareeyaa. Sidoo kale Marwada madaxweynuhu waxa ay maamushaa Hantida Madaxtooyada ee Itoobiya.
Waxaa intaa ku eg qeybtii warbixinta eek a hadleysay Marwada Madaxweynaa Jabuuti iyo doorka ay ku leedahay siyaasada iyo maaliyada Jabuuti.
La soco berito oo aanu ku eegi doono warbixinta qeybteeda ka hadleysa Labada Hablood ee madaxweynaha Jabuuti iyo awoodahooda siyaasadeed iyo maaliyadeed ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
SDN/QJ-Paris
contact@qurbejoog.com