|

Ma Doonaysaa Inaad Qur’aanka ku Akhriso Muddo 30 cisho Ah?… Fadlan Qoraalkan Hoose Akhri:-

Hargeysa,18.June 2015 (SDN/QJ): Kittaabka qur’aanka ahi wuxuu ka koobanyahay 600 oo pages ama bog inta badan.

– Hadii aad 600 u qeybisid 30 cisho, waa 20 bog maalinkii. laakiin 20 bog waa ay adagtahay ayaad is leedahay? laakiin haddii aad u qeybisid 5’ta salaadood waxay noqoneysaa 4 bog. Markaa haddii aad akhrisid 4 bog salaad kasta bisha ramadaan gudaheeda, waxaad sidaa ku dhameysay Qur’aankii hal bil.

– Haddii aad u baahantahay inaad 2 jeer dhameysid qur’aanka, waxaad akhrisaa 4 bog ka hor iyo kadib salaad walba. Markaa sidaas waxaad ku dhameysay qur’aanka 2 jeer 1bil gudaheed.

Hadaba shabakadda caalamiga ah ee Qurbejoog.com waxa ay walaalaha muslimiinta ah ku boorinaysaa akhrinta qowlka eebbe markasta gaar ahaana inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan.

Comments are closed