|

Deg Deg: Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Masuuliyada Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Shirka Magaalada Cadaado.

Cadaado:June,18,2015(SDN/QJ) Warar isasoo taraya ayaa kasoo baxaya qaraxii ka dhacay magaalada cadaado ee xarunta maamul u sameynta gobolada dhexe, waxaana wararku sheegayaan in xarakada alshabaab  ay sheegatay masuuliyada weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in ciidamadoodu ay xoog ku galeen xarunta uu shirku ka socdo, iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen ciidamada itoobiya.

Sarkaal katirsan xarakada Al Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee afka xarakada alshabaab ku hadasha u sheegay in ciidamadoodu ay howlgal khasaara dhaliyay ka fuliyeen degmada Cadaado balse faah faahinta ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxaasi isha ku hay (Qurbejoog.com / Somalidiaspora.com)

Comments are closed