|

Dhawaaqa Dhuxul Wuxuu Ka Dhigan Yahay Marmarsiiyo Aan Meel Haysan!

Axmed Saleebaan Dhuxul Jawaabta uu ka bixiyay maxaa Madaxweynaha Su’aalaha loogu diidaa? May Noqon mid u cuntanta bulshada baahida u qabta inay ogaato hawlaha Madaxweynahoogu u hayo. Waxaynu si cad uga wada dharagsanahay in Siilaanyo waaguu mucaaridkaa ahaa meel adag ka istaagi jiray Safarada Riyaale. Waxaanan ka xasuustaa weedho ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Riyaale loogama fadhiyo inuu in yar oo Kooban madaarka Ka Sheego waxaase ku waajib ah inuu bulshada la hadlo oo u sheego wuxuu ugu maqnaa, wixii u soo qabsoomay iyo wixii ka hor yimidba waxaanaynu aragnaa in hadalkaasi noqday  uun hadalka baarkiisa oo iska daa intii koobnayd ee uu Siilaanyo saluugsanaan jiraye ay meeshaba ka baxday in wax su’aal ah laga waydiiyo taas aynu aragnay Dhuxul iyo koox wasiirada ahi inay dagaal ka xigaan in wax la waydiiyo Madaxweynaha . Isla geesta kale Mr-Axmed Saleebaan Dhuxul marka Laga yimaado inuu ahaa shakhsi u Golangolay idaacadii caanka baxday ee Horyaal wuxuu ku suntanaa inuu heegan u ahaado waydiinta su’aalaha kakan amaba aan munaasibka ku Ahayn in la waydiiyo madaxweyne taas oo keentay in Madaxweyne Riyaale iyo Dhuxul mararka qaar ka gaadho meel xasaasiya oo dhaafta milgalaha kala saraynta amaba Madaxweyne Iyo Suxufi. Hadaba hadii ay taasi taariikhda diwaankeega ku taallo, waxaan is waydiiyay wuxuu Dhuxul marmarsiiyaha uga dhigay in hadii su’aal la waydiiyo Madaxweynaha  anshaxa la dhaafayo? soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Awrka Dambe Awrka Hore Saanqaadkiisa Ayuu Leeyahay”  dhalinta saxifiyiinta ah ee da’da yari waxay hiigsanayaan oo ay warbixinahoodii Iyo cajaladahoodii dib u Daalacanayaan saw maaha uun Dhuxul, Cukuse iyo inta la midka ah. miyay u diidi Karaan waxay macalin Ugu yihiin ama taariikday dhigeen? Jawaabtu Waa Maya.
hadaba waxaan leeyahay Dhuxuloow waxaad ku fashilantay hadii aad shalay qalad jidaysay waxay ahayd inaad samayso maanta sune maydha midhkaagii hore  oo Madaxweyne Siilaanyana magac u noqda mudane Afhayeen ma waxaad kari wayday maadaaba aad masuul ka tahay boos mihiim ah inaad keento qorshihii Madaxweynaha iyo bulshadiisu ku kala xog qaadan lahaayeen!
waxba yaan ku tiigaalin tusmadee  ninba wuxuu  dhitaystaa dhiilka ugu Jirta.

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: liibaanhanad79@mail.com

Comments are closed