|

“Anigoo Ku Hadlaya Magaca Beesha Direed Weerarkii la igu dhaawacay ee lagu dilay Dirir waxaa abaabulay Villa Somalia.” Xildhibaan Boos

Muqdisho:June,18,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somalia, dhawaanna ku dhaawacmay weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Dirir, ayaa qaadista weerarkaas ku eedeeyey Xarunta Villa Somalia ee Dalka looga taliyo.

cabdlaXildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya midna aanu wax ka qaban dilkii badheedhka ahaa ee Xildhibaan Dirir lagu khaarajiyay asna lagu dhaawacay.

“Waxaa weerarkaasi laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya, waxaan rabaa guddoomiye in wax laga yidhaado weerarka la igu dhaawacay laguna dilay xildhibaan Dirir aniga oo ku hadlaya magaca xildhibaanada Soomaaliyeed iyo magaca beesha Direed oo aan kasoo jeedo” ayuu Xildhibaan Cabdalla Boos baarlamaanka ka hor sheegay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo u Jawaabay Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa sheegay in baadhitaankii uu wali socdo islamarkaana la soo bandhigi doono wixii Natiijo ah oo ka soo baxa.

Weerarka lagu dilay xildhibaan Dirir, isla-markaana lagu dhaawacay Xildhibaan Boos, ayaa waxa sheegtay ciidamada Dawladda, kuwaas oo sifo qaldan ku galay weerarkaas khasaaraha geystay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed