Waxaa soo gaadhay magaalada Ludvika ee dalka Sweden wafti ka socday Jaalliyadda beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) ee deggen dalka ingiriiska
Bismillaahi Arramanirraxeem. dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Waxaa badhtamaha bishan June ee sannadka aynu ku jirno 2015 soo gaadhay magaalada Ludvika ee dalka Sweden wafti ka socday Jaalliyadda beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) ee deggen dalka ingiriiska.
Waftigaas oo ay horkacayeen guddoomiyaha jaalliyadaha beesha mudane Deeq Cabdi Digale iyo guddoomiyaha jaalliyada magaalada Coventry ee carriga ingiriiska ahna xidhiidhiyaha guddida beesha mudane Fuad Cisman Shibiin,waxaana si meeqaam sare ah ugu soo dhowaayey waftiga, jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil ee reer Sweden kana mid ahaayeen Caaqil Cabdraxman Xasan Xaaji iyo guddoomiyaha jaalliyadda reer Sweden Mudane Khadar Ismaaciil Bidhiidh ,mudane Mustafe Cali (Cantar kidaar Cune) kana mid ururka dhallinyarada gacanta ku hayso ee Haldoor,Xaji Muse Mandiil,Mubaarik Maydal Muse,Guled Cabdi Cisaman Garaw,Muse shanfool,Maxamed Maxamud Darwiish, ugu horrayn waxaa hadallo soo dhowayn iyo warbixn isgu jiray ka jeediyey shirkaas Caaqil Cabdraxman Xasan Xaaji , waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiye Deeq Cabdi Digale oo ka warbixiyey ujeeddada socdaalkooda kaas oo ahaa is xog waraysi kala war qaadasho iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka jaalliyadaha beesha iyo horumarinta dalka Somaliland waxaanu si gaara farta ugu fiiqay in ay dadka reer Somaliland ee deggen Sweden dardar cusub bilabaan kana qayb qaataan horumarinta dalkii hooyo iyo sidii ay u kala warqaadan lahaayeen iyo waliba sidii loo wada ilaalin lahaa isku duubnida jaalliyadaha beelaha Somaliland, oo waftigu qaar ka mid ah kulan la qaateen, waxaa isna hadallo qiima leh carrabka ku adkeeyey mudane Fuad Cisman Shibiin oo ku dheeraday sida loogu baahanyahay iska warhaynta iyo in ay jaalliyaduhu joogteeyaan xidhiidhka ,waxaa kale oo halkaas ka hadlay mudane Mudane Khadar Ismaaciil Bidhiidh oo ka warbiyey xaalada ay ku suganyihiin jaalliyada beeshu, kulan kaas waxa laysla qaatay qodobada hoos ku qoran.
- Jaalliyadaha reer Somaliland ee dunida ku kala nool in ay xidhhiidh joogto ah wada yeeshaan.
- In ay beesha Daa,uud Ismacil isugu timaadaan magaalada Aw Barkhadle shirkaa oo hore loogu magaacabay BARKHADLE oo beeshu ay gudo iyo dibadba kaga qayb qaadan doonto kagana tashanayso aayaheeda iyo ilaalinta dalka Somaliland dhinac walba.
- In diiwaangelinta codbixiyayaasha si buuxda looga wada qayb qaato taas oo ay dawladdu iclaamisay qabsoomina doona bisha soo socota ee July 2015.
- In dalka Somaliland laga wada ilaaliyo wixii dhibaato u keeni kara.
- In la badiyo cabsida Allaah Subxaana wa tacaala.
Guddoomiyaha jaalliyadaha,
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna g/ku xigeenka ururka Gaaroodi
Deggen UK.
Deeq Cabdi Digale