|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Furitaanka Mashaariic laga hirgaliyay Deegaanka Wado Makaahiil Iyo Dareenka Bulshada DAAWO

Hargeysa 18.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka qaybgalay furitaanka Ceel biyood oo laga hirgeliyey Wado-makaahil horena uu u dhagax dhigay madaxweynuhu ceelkaasi.

wado makaahiilMadaxweynaha oo ka socdaalay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa gaadhay wado-makaail oo ka tirsan Degmada fara-weyne, madaxweynuhu markii u gaadhay goobtaasi waxa uu ugu horayn soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan wado-makaahil oo ay hormuud ka ahaayeen Ugaaska, Sulaadiinta Cuqaasha, iyo Culimo aw-diinka deegaanka, waxaanu madaxweynuhu u gudbay goobta laga qoday ceel biyoodka oo uu xadhiga ka jaray ceelkaasi.

Waxaana loo si gudbay goob aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay xaflada Furitaanka Ceelka, waxana ugu horayn ka hadlay sheekh Maxamuud Aw Suufi oo uga mahadnaqay xukuumada uu hogaaminaayo madaxweynuhu dedaalka ay shacbigeeda u samaysay ee ay ka mid ka yihiin ceelasha iyo kaabayaasha aasaasiga ah ee binu-aadamku u bahaan yahay.

Waxa isna madasha ka hadlay Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in deegaanku helo biyo, Caafimaadka iyo waxbarashada, run ahaantii madaxweynuhu waa shaqsi ku sifoobay wanaag iyo waxqabad xukuumadiisuna waxay ku suntanaan doontaa waxqabad buuxa oo ay dalka u qabteen, run ahaantiina marwalba garabkaaga madaxweyne naga filo oo naga eeg hadii aanu nahay beesha makaahil.

sidoo kale waxa isna madasha ka hadlay Chief Caaqil Shuuriye hadaladisiina waxa ka mid ahaa waxa aanu nahay dad jin ah, dawladuna waa insi sidaa awgeed waxa aanu arkaynaa wanaaga xukuumada balse madaama aanu nahay jin lanama arkaayo, waana ta sababtay in aan halkan ka sheego madaama aanu degno bad ilaa beri, hadaba beryahan waxaanu lahayn jinow baalka naga qaad maanta wuu naga qaaday oo waa taa dawladii naragtay, kaabayaashii arrimaha bulshadana wax nagala qabatay, dawladihii hore way ku guul daraysteen in ay biyo ka soo saaraan Farawayne iyo Wado-makaahil balse Axmed Maxamed Silaanyo waa kaa ku guulaystay ee ka soo saaray biyaha aad u jeedaan.

Degmadani fara-wayne waa degmo balaadhan waxa aad ka qabatayna cid hore waxa nooga qabatay ma jirto balse nooma dhamaan ee waxan leeyahay madaxweyne sidaa nooga war hay aad hadaba noogu dedaashay.

Comments are closed