|

Hargaysa Hay’ad Dawladeed oo Dab Sudhay Daawooyin Wakhtigoodu Dhacay Oo Ganacsato Dalka Ku Soo Daabushay

Hargeysa Hargeysa 18.June 2015 (SDN/QJ)- Hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranka ee Somaliland, ayaa soo bandhigtay Dawooyin dhacay oo ay ku qabteen Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargeysa,dawooyinkaasi oo dalka la soo gelinaayey iskuguna jiray noocyo kala duwan, ayaa ahaa kuwo dhacay oo Caafimaadka dadku hadii ay isticimaalilahaayeen halis u keenilahaa.

dab ku gubisGuddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Cali Maxamed Cabdule (Cali Biikale) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaasi, ayaa shalay Dawooyinkaasi dhacay ee qorshuhu ahaa in dalka la soo geliyo oo ay gacanta ku dhigeen, waxaana masuuliyiinta hay’adda Tayo Dhawristu ay meel fagaare oo magaaladda ka baxsan ku gubeen shalay daawooyinkaasi oo tiro badnaa noocyo badana iskugu jiray, waxaanay masuuliyiintii halkaasi ka hadlay uga digeen cid kasta oo soo waarida ama isku dayda inay dalka keento Daawooyin ama Cunto dhacday inay talaabo adag ka qaadi doonaan sharcigana marin doonaan cid kasta oo falal noocaasi ah ku kacda “

Cali Maxamed Cabdule (Cali Biikale) oo ka hadlaayey goobtii ay shalay ku gubaayeen daawooyinka dhacday hay’adda uu madaxda ka yahay waxa uu yidhi “Hawshan ku saabsan dawadan dhacday ee aanu maanta halkan ku gubeyno si aanay umadda u dhexgelin oo aanay caafimaadka dadka wax u yeelin ayaanu gacanta ku dhignay, runtiina daawaddani waxay aheyd mid iyada oo wakhtigii ay dhacaysay uu wakhti yari ka hadhsan yihiin ama wakhti kooban, ayaanu u aragnay hadii ay gudaha dalka gasho in aanay suurto gal aheyn inay wakhtigaasi daawadani ku dhamaato , waana daawooyin ah nooca laysku mudo ee TB-da loo isticimaalo ,waxaanu ku joojinay ka hayad ahaan madaarka iyada oo taalay habeenkii Bakhaarka lagu cashuuro ee Kastamka ayey taalay, ilaa mudaddii uu dheydkeedu dhacaayeyna halkaasi ayey taalay ,markaasi maanta ayey noo suurto gashay amarka ALLE in aanu daawooyinkaasi dhacay gubno”

BiinkaloGuddoomiye Cali Biikale waxa uu intaasi uu ku daray “Waxa weeyaan maalin walba way dhacda tan oo kale oo waxyaabaha aanu magaaladda dhexdeeda ka ururino ama dekedda iyo Madaaradda aanu ku qabano ee aanu u aragno in aanay bulshadda u fiicneyn waanu gubnaa, anaga oo jecel ama in aanu halka hore uga sii socono rejeynayna, aad iyo aadna waxaan runtii baaq ugu soo jeedinayaa dadka Somalilanders-ka ah ama dadka kale ee Somaliland ganacsiga ku leh ee keena inay Ilaahay kaga cabsadaan masuuliyada ay hayaan oo ay si xalaal ah u ganacsadaan oo waxyaabaha been buurka ah ama dhacay ee dalka la soo gelinaayo ay iska ilaaliyaan . waa inay qeybtooda ka qaataan waayo iyaga ayaa masuuliyada 1aad iska leh”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed