|

Baarqabka Jabuuti Oo Dhakafaar Ku Riday Dawladaha Khaliijka Carabta Ee Dabku Ka Dhex Shidanyay Iyo Sida uu Giraanta Siyaasada u Wareejiyay

Hargeysa 18.June 2015 (SDN/QJ)- Khilaaf wejiyo badan oo mudooyinkanba ka dhex oognaa dalalka iskaashiga khaliijka iyo jamhuuriyadda jabuuti, ayaa haatan la tilmaamayaa inuu weji kale yeeshay, isla markaana uu saameeyay dalal badan oo mandaqadda iyo aduunkaba ah. 

Falanqaynta mawduucan waxa warbixintan ka diyaariyay Muuse Jaambiir oo Ogaal ka tirsan.

Khilaafka ka dhex qarxay Jabuuti iyo Imaaraadku wuxuu sababay in gebi ahaanba xulafadda khaliijku ay talaabada dhan kale u qaadaan, isbedelna ku sameeyaan bah wadaagtii hore ee ay ku lahaayeen gobolkan. Siday faafisay Indian Ocean News Letter boqortooyada Sucuudigu waxay fiisihii dal ku galka u diiday, kana celisay wadankeeda wasiirka arrimaha dibadda jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, kaasoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u diray sucuudiga, si ay u dhex galaan khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex qarxay iyaga(Jabuuti) iyo UAE. Hase yeeshee isku daygaa sucuudigu wuxuu kaga jawaabay diidmo qayaxan, waxaanuu wasiirka arrimaha dibadda jabuuti, qoray nin aan laga ogalayn dalkooda(Persona non grata to the Saudi Arebia).

Siduu baahiyay wargeyskaasi, jabuuti waxay u jeesatay dhinaca maraykanka, isla markaana waxay ka codsatay inuu dhexdhexaadiyo iyaga(Jabuuti) iyo labada dal ee  Imaaraadka iyo Sucuudiga. Hase yeeshee taasina ma noqon mid midha dhasha, maraykankuna wuxuu u janjeedhsaday dhinac, dhanka kalena  wuxuu u muuqdaa mid ku jiifsaday, isagoo waliba faragelin ku sameeyay arrinta. Sidaa darteed madaxweyne Ismaaciil Cumar wuxuu 04.may.2015 dib ugu yeedhay wefti uu u diray sidii dib loogu soo noolaym lahaa xidhiidhka iyaga iyo UAE, kaasoo uu hogaaminayay general Sakeriya Sheekh Ibraahim.

Waayo,  madaxweynaha Imaaraadka oo ah amiirka Imaarada Abu Dhabi waxa la weriyay inuu eegayay oo keliya madaxweynaha Jabuuti oo u taga oo raali gelin buuxda ka bixiya wixii dhacay.

Inkastoo madaxweyne Ismaaciil Cumar sameeyay isku day badan oo la xidhiidha sidii khilaafka loo dhamayn lahaa, haddana, jawaabahaa ixtiraam darrada ah ee wejiga lagaga dhuftay, waxa lagu tilmaamay qaar hakiyay hindisihiisii heshiis doonka ahaa. Boqorka sucuudiga Salman Bin Cabdul Casiis wuxuu jaleecay dhinaca Ereteria iyo hogaamiyaheeda Isias Afewerki oo colaad raagtay oo aan weli dhamaanini ka dhaxayso  Madaweyne Geelle, isla markaana wuxuu boqorka dalkaasi xurmadii u saraysay ku soo dhaweeyay madaxweynaha Ereteria. Wadahadal kadib, 29 April.

2015 sucuudiga iyo ereteria waxay kala saxeexdeen heshiis dhinaca iskaashiga millateriga iyo amniga ah, kaasina wuxuu ku noqday  madaxweyne Geelle dhirbaaxo kale oo cad oo muujinaysa halka khaliijku ka taagan yahay dawladda jabuuti. Halka dalalka khaliijka ay uga tahay inay heleen saaxiib kale oo ay ku bedesheen jabuuti. Heshiiskaana waxa halku dhegyadii bud dhiga looga dhigay saxeexiisa ka mid ahaa; “ ma jiro saaxiib joogta ahi, mana jiro cadow joogta ahi balse waxa jira dan joogta ah.”

Ilaa laba wefti oo ka socday Imaaradka iyo Sucuudiga ayaa dhawr jeer booqday madaarada iyo dekedaha Ereteria, kuwaasoo ay qorshaynayaan in la casriyeeyo oo la horumariyo.

Waqti yar ka hor xilliga heshiiskana waxay warbaahinta caalamka qaarkood qoreen inay Iiraan u isticmaalaysay Ereteria meel ay hubka uga gudbiyaan Xuutiyiinta yemen.

Dhinaca kale dalalka khaliijku waxay u soo wareegeen Muqdisho iyo Hargeysa, isla markaana waxay muujiyeen danayn  wayn oo dhanka Somaliland ah, taasoo ah mandaqad aanay raali ka ahayn mabda, ahaan iyo xuquuq ahaan siday u taagan tahay. Hase ahaatee, imika waxa cad inay doonayaan inay wax ka bedelaan gacantooda oo ay dhaqaale ahaan wax taraan, iyadoo siyaasad ahaan aanay waxba iska bedelin mawqifkoodii hore ee ay ka qabeen.  Marka laga tago taa,  waxay falanqeeyayaasha dhacdooyinku  welwel badan ka qabaan xukuumadda taladda haysa ee madaxweyne Siilaanyo, oo u muuqata mid ku hambaabirtay oo keliya yeedhmada khaliijka, isla markaana aanay caddayn siday u ciyaari karto siyaasad ay kaga dhex faa,iidaysan karto loollankan danaha ee aloosan, kagana nabadgeli karto khataraha ku lamaan.

Khilaafkan danaha badan iska hor keenay ee jabuuti iyo dalalka khaliijku wuxuu markii u horaysay ka bilaabmay is afgaranwaa aan buurayn oo 27 April.2015 ka dhex dhacay Taliyaha ciidanka cirka jabuuti Wahiib Muuse Qalinle iyo ku xigeenka qunsuliyaddii UAE ee dalkaa Cali Al Shihi oo diyaarad gaar ah oo uu watay la sheegay inay xidhiidh la,aan fadhiisatay garoonka diyaaradaha, taasina ay dhalisay in taliyuhu cadho kula dhaco ku xigeenka. Maalin kadib dhacdadaa, 28.April.2015 Imaaraadku waxay albaabada u laabeen qunsuliyadii ay ku lahaayeen jabuuti,  

29.April.2015 waxay ka baxeen dalkaa. Waxa iyana raacay dalalka kale ee khaliijka. Shan Maalmood kadib maalintaana Sheekha Imaaraadku,  04.may.2015 wuxuu xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jaray jabuuti.

Dhacdadaa madaarka ka sokow, waxa loo arkaa in arrintu salka ku hayso kala noqoshadii jabuuti iyo shirkada DP World oo maamulaysay dekedda jabuuti, wada shaqayntoodiina ay aakhirkii ku dambaysay inay maxkamad isla galaan.

Xaasaasiyadda siyaasadeed ee ka dhalatay talaabooyinka xaqiiqda ah ee khaliijku qaadeen, waxay u ahayd Ismaaciil Cumar ogaysiin  cadha gelisay,  waxa kale oo u sii raacay qaabka maraykanku dhexgalka u waday oo uu qawaday. Taa bedelkeedii wuxuu degdeg ugu dhawaaqay in jabuuti heshiis buuxa oo dhan walba ah la gashay Shiinaha. siday faafisay wakaaladda wararka AFP,

09.05.2015 madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle  wuxuu  sheegay, inay siiyeen Shiinaha saldhig millateri joogto ah. Saldhiga millateri ka sokow Shiinuhu wuxuu  ka dhisayaa Jabuuti deked cusub oo casri ah oo aad u wayn, jid tareen, garoomo diyaaradeed iyo kaabayaal kale oo ka mid ah adeegyada daruuriga u ah ganacsiga Shiinaha iyo Afrika, oo ku talagalku yahay inay albaab u noqoto Jabuuti, halka haatan looga adeeg tago UAE. Sidoo kale, waxa barbar socda mashaariicdaa maalgelin dhinaca dadka (civilian investment) ah.  Talaabadani waxay dhirbaaxo wejiga lagaga dhuftay ku ahayd, welina ku tahay Maraykanka, gaar ahaan waqtigaas oo ku beegnaa xilli  uu wasiirka arrimaha dibadda John Kerry socdaal rasmi ah ku tegay dalkaa. “Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu maallayaa  tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka”.

Weedhaasi waxay ka mid ahayd ciwaanadda warbaahinta caalamka ee wax ka qortay arrintani ay sumadda uga dhigeen wararkii ay ka qoreen.

Waxa kale oo talaabadani dhirbaaxo ku tahay khaliijka. Warbaahinta caalamka ee wax ka qortay khilaafka khaliijka iyo jabuuti iyo danaha la xidhiidhaa, waxay  badi tilmaameen in jabuuti mar kale muujisay qiimaha istaraatiijiyadeed, ee dhulkeeda aadka u yari u leeyahay isku xidhka danaha, mar haddii ay saldhigyada millateri ee maraykanka iyo Shiinaha dhinaca isu saareen. Heshiiskani sida la tilmaamay wuxuu beegsanayaa in Jabuuti hoy u noqon doonto ganacsiga shiinaha iyo afrika oo qiyaas ahaan haatan cagacagaynaya ilaa afar boqol oo bilyan oo doolar, isla markaana waxa suuraha saadaasha riyadda heshiiskani biniixinaysaa, suurta galnimada in jamhuuriyadda jabuuti ay mustaqbalka dhaw noqoto magaalo keliya oo casri ah, horumarsan oo xidhiidhsan.

Dhanka kale heshiiskani wuxuu culays ku noqonayaa Dubai oo imika xarun u ah ganacsiga shiinaha iyo afrika. Dawladaha reer galbeedka sida maraykanka iyo faransiiska ayaa iyana u muuqda qaar ku dhakafaarsan kediskan cusub ee madaxweyne Geelle, oo u soo dhaweeyay halis dhaqaale iyo mid milateri oo tartan wayni ka dhexeeyo. Hogaamiyaha jabuuti  wuxuu ciyaaray shax aanay hore u filaynin inuu dheeli karo, isla markaana wuxuu hantay barnaamij wayn oo uga sed roon kuwii hore. Waa hogaamiyaha wadan yar oo haddana  si fiican u iibiyay qiimihiisa.

Meelahan waxay ka leeyihiin maraykan iyo faransiis baa inala joogee shiinaha maxaa keenay. Waxaan leeyahay shiinuhu isagaa nooga waxtar roon cid walba.” Erayadaasi waxay qayb ka ahaayeen jawaab uu ka bixiyay hadalo lagu durayay shiinaha oo ka soo yeedhay mucaaridkiisa.  Talaabooyinka kale ee loo tirinayo in madaxweyne Geelle qaaday, waxa  ka mid ah soo dhawaynta siyaasiyiin iyo qoysaska rag la dhan ah xuutiyiinta yemen ka dagaalamaysa ee ay iska soo horjeedaan bahda khaliijka.  Iyadoo  loo tirinayo maraykanka waqtigan,  isbedel dhinaca aragtida ah oo la xidhiidha qalalaasaha Yemen.

Waa inoo qaybo kale oo la xidhiidha mawduucan iyo mustaqbalka dhaw. Insha alaah..

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed