|

“Shirkaddaha Caalamiga Ah Ee Heshiisyada Sharciga Ahayn La Galay Xukuumadda Wakhtigeedu dhamaadka yahay, Oo Aan Baarlamaanka Soo Marin Ansax Maaha” Xildhibaan Rayte

Hargeysa 17.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shirkaddaha u tartamaya maamulidda dekedda Berbera ugu baaqay inay lacagtooda haystaan haddii kale sifo sharci ah maraan. Waxa uu ku dooday in xukumadda uu ka dhammaaday wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay, wixii hadda ka dambeeyana ay ku meel gaadh noqonayso.

rayteXukuumaddan wakhtigeedi wuu dhamaaday. wixii hadda ka danbeeya waa ku meel gaadh.dawlad ku meel gaadh ahi ma gali karto heshiisyo caalami ah. dekedaha aad iibinaysaan iyo heshiiska caalamiga ah la suga doorashada, marka dib laydiin doorto la suga. waxaad moodaa in wax la yidhaa doorashada in ay Waddani siiyeen oo ay leeyihiin  doorashadu dan noomaa aha,laakiin waxaanu leenahay waxa waliba way dhaceen waa intaas oo aad heshaan doorashadee la suga heshiisyada aad soo galaysaan doorashada dabadeed,” ayuu yidhi Mudane Rayte.

Xildhibaan Rayte waxa uu intaas ku daray “Waxaan leeyahay shirkadaha caalamiga ah ee heshiisyada aan sharciga ahayn la galay dawladda,  heshiis caalami ah oo aan baarlamanka soo marin ansax maaha, in ay dilaal qaadato mooyaane dib loo arki maayo,mana shaqayn doono heshiis  caalami ah oo ay xukuumadu gasho hadii aanay marin dariiqii sharciga ahaa,hay’addahu ha haystaan lacagtooda.”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed