“Walaahi anigaa Talaabo adag ka qaadaya ee Nin walowba Caruurtaada Qabso Boolisna ku aamini maayo” Gudoomiye Ramaax DAAWO
Boorama 17.June 2015 (SDN/QJ)- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadayo dhallinyaro uu sheegay inay falal amni-darro ah ka gaystaan gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas
Guddoomiye Ramaax waxa uu sheegay in kooxo dhallinyaro ahi rabshado dil iyo kufsi dumarka ah ka wadaan Boorama, isla markaana aannu sii eegan doonin oo uu tallaabo adag ka qaadayo isagoo hoggaaminaya ciidanka booliska.
Waxaannu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Boorama maanta, waxaannu yidhi, “Xeer-ilaaliyaha, Guddoomiyaha Maxakamadda Racfaanka, xildhibaannada, Taliyaha Qaybta Booliska, masuuliyiinta kale iyo booliska, waxaan leeyahay ciyaalkeennii magaalada waxay ku soo kordhiyeen rabash badan. Tallaabo adag baanu qaadi doonaa, caawa laga bilaabo kuma aaminayo booliska oo Wallaahi ah ee anigaa hubinaya, anigaana tallaabo adag ka qaadaya, nin walowba carruurtaada qabso, goordhaw ha iila imanina dugsi baa ka habsaamaya, tallaabo adag baanu ka qaadaynaa, kamana dulqaadanayno runtii, Taliyaha Qaybtu wuu i maqlayaa ee Wallaahi anigaa ciidanka kaxaysanaya.”
Waxa kaloo uu ugu baaqay waalidiinta inay carruurtooda gacanta ku qabtaan, “Mar dambe ma dhacayso in la yidhaa inan yar baa halkan lagu kufsaday iyo nin baa la tooriyeeyay. Xalay oo u dambaysay wixii magaalada ka dhacay waad la socotaan, waxaannu ka qaadaynaa tallaabo adag ee nin wallow carruurtaada ku haysa gurigaaga,” ayuu yidhi Ramaax.
Boorama SDN/QJ