Taliye Fadal oo ka warbixiyey hawlgal ciidanka boolisku ku qabteen rag hubaysan oo rasaas adeegsaday iyo gaadiid ay wateen DAAWO
Hargeysa 17.June 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa caddeeyey inay gacanta ku dhigeen koox hubaysan oo rasaas kala hortagay booliska, iyadoo falkaasina ka dhacay degaanka Masalaha ee koonfurta magaalada Hargeysa maanta.
Taliye Fadal oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa gelinkii dambe ee shalay waxa uu sheegay inay Ciidanka Boolisku qabqabteen toddoba nin oo dableysan hubeysan ah, afar qori oo AK47 ah iyo baabuur ay wateen.
“Saaka (subaxnimadii shalay) abaaro 9:00 subaxnimo, odayaal waayeel ayaa ciidanka booliska ku soo wargeliyey in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taal Koonfurta Magaalada Hargeysa inay rag hubeysan oo gaadhaya ilaa dhowr iyo labaatan ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran nabadgelyadda qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen ragga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhinacii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsan uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaas kala hor yimaadeen iska caabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen,” ayuu yidhi Taliye Fadal, isagoo intaas ku daray; “Ciidanka Boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaad, difaacaya naftooda iyo ta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayey qoladaasi (dabley hubeysan) kaga horeeyeen ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay, waxaanna goobtaasi laga soo qabtay toddoba eedaysane oo uu ka mid yahay eedaysanihii hoggaamiyay kooxdaas ee sida sharci-darrada ah u socotay, waxa kale oo la qabtay saddex gaadiidkii ay isticmaalayeen ah. Ciidanka boolisku markii lagala horyimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo istifaacaya, hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47, waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen, waxaanan marka kowaad halkan uga mahadcelinayaa Ilaahay (SWT), marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan saraakiisha Ciidanka Booliska iyo ciidankii fuliyay hawlgankan.”.
Taliyaha booliska Somaliland, ayaa digniin culus u diray dadka khilaafka dhulku ka dhexeeyo ee rasaas kala horyimaad ciidanka, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo hub u adeegsata booliska.
“Waxa aan fariin uga dirayaa dadka danbi quudayaasha ah ee arrimaha dhulka hubka u soo qaata, in Ciidanka Boolisku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran oo aan sharciga ku xad-gudbayn, inay ka qaadi doonaan tallaabo adag. Ciidanka boolisku u dulqaadan maayo cid kasta oo hub soo qaadata, magaalo ha ahaato ama meel kale ha ahaato. Waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah. Gari laba nin kama wada qosliso, dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakiin ciidanka boolisku waa fulin, oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qarannimo qabsadaan, meelkasta oo nabadgelyo- darro laga soo sheego ama cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan….Cid kasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato in aanay Ciidanka Boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bir ah ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.