|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qayb galay 2 Sano Guurada Aasaaska Idaacada Qur’aanka Kariimka ah DAAWO

Hargaysa 16.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha jSL ayaa ka qayb galay xaflad loo sameeyey sanad guurada  2aad ee aasaaska idaacada qur’aanka kariimka ah  ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta iyo soo dhamaystirka Casharka  tafsiirka qur’aanka kariimka ah.

Xafladan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Culimada dalka intooda badan wasiiro, Xildhibaano, Cuqaal, iyo qaybo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan.

waxa xaflada ka hadlay weriye Sheekh Maxamed Shabeel oo ah madaxa idaacada qur’aanka kariimka ah, isaga oo ugu horayn u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay furitaanka ilaacada qur’aanka kariimka ah oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada Somalialnd, sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay Madaxda Wasaarada warfaafinta oo uu ugu horeeyo wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ilkacase, isaga oo xusayna Shaqaalaha qiimaha badan ee ka shaqeeya ilaacadan Qur’aanka kariimka ah.

Comments are closed