Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay bandhigga todobaadka dhaqanka.
Muqdisho: june, 16, 2015(SDN/QJ) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay bandhiga dhaqanka iyo todobaadka, taasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.Munaasabadan aya waxaa lagu soo bandhigay cuntooyinka dhaqanka iyo hiddaha iyo alaab kale oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Md Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegey in ay wasaaradu go’aansatay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka,farshaxan iyo ciyaaraha waana mida keentay in la qabto Dabaalgeda Todobaadka dhaqanka.
“Xafladaan qiimaha leh quruxda leh ee soo qababanqaabisey wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo lagu soo nooleynaayo dhaqanka soomaaliyeed ee wadajirka iyo isdhexgalka iyo is jacaylkii iyo nabaddii Soomaaliya lagu soo bandhigay buugaag ka hadleysa dhaqanka oo Af-soomaali ku qoran, qudaartii iyo nimcada dadka Soomaaliyeed uu leeyahay” ayuu yidhi Maareeye.
jawaari madax-xaflad-dhaqan-1 madax-xaflad-dhaqan-2 madax-xaflad-dhaqan-3 madax-xaflad-dhaqan-6
Ugu danbeyntii Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka Soomaali Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa sharaxaad ka bixiyey ujedka iyo macna ahaan dhaqan iyo hide isla markasna tilmaamay umad kastaa waxa ay ku faani karto iney tahay soo jirenkeeda taariikheed ayna kaga duwan tahay bulshooyinka kale.
“hide iyo dhaqan marka laga hadlaayo ayaa in la qeexo hide muxuu yahay dhaqan muxuu yahay o oaf soomaali ahaan maxaa loola jeedaa hide waa dhaqan fac weyn oo waa abuurmay iyo mid laga dhaxlay la ibaabay oo taarikhdu sheegeyso waa hidaha,hidaha wuxuu ka weyn dhaqanka hidaha ayaa weyn”