|

Wasiir Xirsi Muxuu Ka Yidhi Maxsuulka Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Imaaraadka

Hargeysa, 16 June 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka dareen Celiyay Socdaalka wefti uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

xirsigaWaxa uu xusay in socdaalkaasi uu ahaa mid guul u dhalay Somaliland isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiir Xirsi wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Waxaa mahad mudan Allaha S.W.T dalka nagu soo nabad celiyey aniga oo kamid ahaa wafti uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

Ujeedada Safarkan oo daarnaa dardar gelinta Mashaariic hore dawlada Imaaradka Carabtu u balan qaaday in ay ka caawin doonto dawlada Somaliland iyo gudbinta kuwo cusub ayaa ku soo dhamaaday guul iyo rajo iftiin badan

Mashaariicda ayaa awooda saarayey dhinacyada aasaasiga u ah nololsha oo ay ka mid yihiin:

Biyaha, caafimaadka, Korontada, Kaabayaasha dhaqaalaha,gacan siinta qaxootiga tirade badan ee Somaliland marti galisay iyo adkaynta xidhiidhka labad dal ayaa dhamaantood ahaa kuwo wax badan ka taraya hana qaadka dawlada qaan-gaadhka ah ee Somaliland

Waxaa xaqiiq ah maadama dunidu maanta tahay qol kaliya isla markaana ay saamayn togan iyo tabban-ba isku leeyihiin dalalka kala duwan ee dunida ku wada nooli in Somaliland dhankeeda laga caawiyo dhinacyada kala duwan ee horumarka si ay gacan buuxda beesha caalamka ugu siiso adkaynta nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay caawinta dawlada Somaliland iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la caawiyo dal dadkiisu dhisteen isla markaana ah xaqiiq aan la qarin Karin.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Comments are closed