|

“Heshiis Aan Baarlamaanka Soo Marini Ansax Noqon Maayo….” Gudoomiye C.raxmaan Cirro

Hargeysa, 16 June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inaanay ansax ahayn Shirkadaha ay Xukuumaddu Heshiisyada caalamiga ah la soo gashay ee aan la soo marin Golaha wakiilada. Isla markaana wuxuu caddeeyay in Madaxwaynaha Somaliland looga fadhiyo inuu dhaqan galiyo wixii ay saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu kaga heshiiyeen wakhtiga Doorashada la qabanayo inta ka horaysay 26-ka Juun oo ah wakhtiga uu ku eega yahay Muddo Xileedka Madaxwayne Siilaanyo.

C.raxmaan CirroGuddoomiyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaad ka warqabteen inuu Komiishanku gooyay wakhtiga ay diiwaangalintu bilaamayso madaxwaynahuna ku soo saaray Digreeto, waxba iskamay bedeli hawshaas dhamaan Taageerayaasha Xisbiga, waxaan leeyahay u diyaar garooba Diiwaan galinta codbixiyayaasha oo bilaabi doonta ciida ka bacdi, muwaadinkasta waxa uu codayn karaa marka uu is diiwaan galiyo inuu muwaadin yahay, markaas qofkasta oo sharcigu u ogal yahay waa inuu u diyaar garoob inuu is diiwaan galiyo codkeena ayaynu wax ku bedeli karnaa, laakiin qof aan ka qayb qaadan diiwaangalinta codkiisa kuma ciil bixi karo.”Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaad ka warqabtaan in golaha baarlamanka iyo Madaxwaynaha Wakhtigoodii doorashada ay ku beegan tahay 26ka juun, maalmo yar ayaa inaga xiga,waxa kale oo aynu ka warqabnaa in gudida doorashadu taariikh, taas ka duwan ay ku dhawaqeen inay doorashadu qabsoonto hase-yeeshee Xukuumada intaa Malaa way ku filnaan wayday,waxaana ay Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadu ila Ogoladeen in Heshiis dheeraad ah loogu daro xukuumada oo ay doorashadu Qabsoonto Badhtamaha bisha 12-tobnaad ee sannadka 2016-ka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Cirro wuxuu sheegay sheegay inay tahay markii 2-aad ee qaranku si wada jira ah ugu heshiiyo wakhtiga doorashada isaga oo shacabkana u diray farriin waxaana uu yidhi “Waxaan shacabka u sheegayaa waxaan madaxwaynaha Somaliland u sheegayaa in hirgalinta heshiiska isaga xilkaasi saaran yahay inta ka horaysay 26-ka juun, markaas madaxwaynaha Somaliland, waxaanu ka sugaynaa arintaas hirgalinteeda iyo Fulinteedaba adigaa lagaa sugayaa.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Heshiisyada caalamiga ah ee Xukuumaddu la gasho shirkadaha caalamiga ah inay yihiin qaar xaraan ah wixii aan baarlamanka soo marina aanay sharci noqon karayn“Waxa baryahan jiray heshiis ay xukuumaddu gashay oo ah dekeda Berbera, waxa kale oo aynu maqlayna in Buuraha Siimoodi shirkada kale la siiyay oo halkaas laga baadhayo macdan, waxaa kale oo jiray shirkad hebal ayaa heshiis lala galay,sida uu dastuurku qorayo xukuumaddu iyada ayaa talada haysay iyada ayaanu dooranay, Laakiin Heshiis kasta oo ay gasho waxa ku waajib Ah in ay baarlamanka keento si loo ansixiyo, Heshiis aan baarlamanka soo marin ansax ma noqon karo.”

Comments are closed