|

Alle Ha U Naxariiste Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim Oo Aas Qaran Hargaysa loogu Sameeyay iyo Weedhihii laga Jeediyay DAAWO

Hargeysa 16.June 2015 (SDN/QJ):-Alle ha u naxariistee Suldaan Sheekh Maxamed Xasan Ibraahim ayaa maanta aas heer qarana loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu xalay abaaro saacadu markay ahayd 4:00 Habeenimo ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu xanuun ku soo booday.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland oo muddo dheer ka soo qeyb-qaatay illaalinta nabadgalyada, isaga oo sida oo kalena ka mid ahaa Ganacsatada waa-weyn ee dalka,Waxa kale oo uu ka mid ahaa ganacsatadii ka soo qeybgashay hirgalinta hannaanka casriga ah ee ganacsiga Somaliland, isaga oo kana mid ahaa wakhtigan mas’uuliyiinta sar sare ee shirkadda TELESOM.

Comments are closed