“Guurtiyeey Waxa xisbiyada iyo xukuumaddu isku raaceenna waxa aad ku diiddaan waa gardarro, waa Kibir iyo dhafoor-taabash,Waxa…”Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Hargeysa:June,16,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddo-kordhinta dhawaan Guurtidu sameeyeen, waxana uu ku baaqay in arrinta dhulka la dhigo oo niyadda shacabka la dejiyo.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isagoo Hargeysa jooga saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in Dimuqraaddiyaddii somaliland qallooc badani galay, isla-markaana murankeedii iyo yoo-yootankeedii soo noqnoqday, “dibaddaan ka imi madax baddana waan soo arkay, somaliland aad baa loogu han weynaa, waxana aynu ahayn dal yar oo aan ictiraaf haysanin oo wax badani u hagaageen oo ay kamid tahay dimuqraaddiyadda oo aynu meel fiican ka gaadhnay, laakiin dimuqraaddiyadeenii murankeedii baa batay.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
Mar uu ka Hadlayey sidii uu Xisbiga Kulmiye uga xanaaqi jirey muddo kordhinta xilligii uu Mucaaridka ahaa, ayuu sheegay inay haboonaynd inay maanta dagaal ka galaan sidii aanay arrintaasi dalka uga dhici lahayn, waxana uu yidhi,
“Haddii aanu kulmiye ahayn aad baanu uga soo horjeednay Kordhiska, waxana waajib ahayd in marka korodhsiimo yimaaddo laga dagaallamo, laakiin way timi waxna lagama qaban karaynin tallaana timi.”
Waxa uu sheegay in Muddo-kordhinta ay Golaha Guurtidu sameeyeen tahay mid aan cilmi ku dhisnayn, isla-markaana loo qayday muddo aan loo baahnayn,“Muddo-kodhinta cidda muranka ka keenay waxay ahayd Guurtida, waana tii go’aanka soo saartay ee sheegtay inay sanad iyo toban bilood kordhiyeen, muddodaasina xikmad ay ku dhisan tahay ma jirto. Haddii ay sharciyan leedahay inay wax kordhiyaanna inay wixii ay doonaan kordhiyaan meesha ma taallo.” Ayuu yidhi Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
Mujaahidka oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay diidmada ay guurtidu ku qaabishay heshiiskii saddexda Xisbi iyo xukuumaddu dhawaan gaadheen, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid kibir iyo ka bad-badini ka buuxdo, waxana uu yidhi,“Haddaanu shicibkii nahay waxanu guurtida ka codsanaynaa waar dhibaato aanaann diyaar u ahayn, Dagaal aan loo baahnayn iyo muran aan loo baahnayn ha ina gelinana. Waxa xisbiyada iyo xukuumaddu isku raaceenna waxa aad ku diiddaan waa gardarro, waa Kibir iyo dhafoor-taabasho. Waxa aad mushaharka ku qaadataanna waa inaad nabadda ilaalisaan.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com