OGEYSIIS: Kuliyadda Tababarka Saxaafadda (KTS) Hargeysa
Waxa loogu bushaareynayaa dadka jecel barashada saxaafadda iyo kuwa raba inay sare u qaadaan aqoontooda saxaafadeed in loo furay kuliyad cusub oo lagu baran doono culuumta saxaafadda qaybeheeda kala duwan. Sida Journalism, Radio & TV, Camera Man, film Making, photo journalism, News paper layout and design iyo Media laws and regulations.
Kuliyadda waxay ardeyda u diyaarisay macalimiin aqoon sare u leh saxaafadda oo shahaadooyin sare ka haysta jaamacado caalami ah, waxa kale oo kuliyaddu u diyaarisay ardeyda Studio casri ah oo si wanagaasan u qalabaysan oo practical-ka lagu qaadan doono iyo manhaj caalami ah
Ardeyda waxa laga haqab tirayaa dhinaca practical-ka, waxaanay awood u yeelan doonaan inay toos shaqada u bilaabaan
Waxa la qaadanayaa courses kala ah:
- Diploma of journalism (6 Months)
- Diploma of journalism for advancers ( 3 Months )
Ramadan courses:
Bisha ramadaan waxa kuliyadu qaadanaysaa courses-ka kala ah
- Television News presenter and Interview techniques (One month)
- Camera man (One month)
- Audio and video editing (One month)
Wakhtigu waa labada galinba iyo habeenkii, ardeyda la qaadanayaana way koobantahay ee hore u gaadh intaan lagaa buuxin fursadan qaaliga ah
Kuliyaddu waxay ku taalaa bariga istaanka basaska ee Cabaaye ama dhinaca waqooyi ee Fooqa Aadan Baradho. Ama kala xidhiidh Tell: 4042220 ama 0633672888