|

Mahiigihii Arrimaha Somalia Ku Dawakhay Oo u Tartamaya Madaxweyne-nimada Waddankiisa Tanzania

Darasalem:June,15,2015(SDN/QJ)-Dr Augustino Mahiga oo ahaa Ergaygii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa Arrimaha Somalia, ayaa shaaciyey inuu u tartamayo Madaxtinimada waddankiisa Tanzania, waxana uu ku baaqay inuu horumar ballaadhan dalkaas u horseedi doono.

mahigaMr. Mahiga oo soo qabtay xilka Ergeyga Xoghayaha QM ee Soomaaliya iyo safiirka dalkiisa u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa bayaamiyey qorshahiisa tartanka kursiga ugu sareeya dalkiisa usbuucii hore, isla markaana sheegay inuu dariiq cusub u jeexi doono horumarka dalkiisa.

Xogahayaha QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay ergeyga u qaabilsan Soomaaliya sannadkii 2010, xilkaana uu hayey ilaa 2013, ka hor intaan lagaga qaadin, laguna beddelin Danjiraha xilligan ee Nickolas Kay.

Mr. Mahiga oo ka hadlayey khibradiisa ayaa sheegay inuu waaya-aragnimo dheer u leeyahay xalinta khilaafaadka, heshiisiinta iyo arrimaha horumarka, taasoo kaalin ka qaadan karta u tartankiisa jagada madaxtinimo ee Tansaaniya.

Dalka Tansaaniya ayey doorashada madaxtinimadu ka dhici doonta bisha tobnaad ee sannadkan, ka dib muddo toban sannadood Madaweyne Jakaya Kikwete xilka hayey maamul xumo iyo musuqmaasuq lagu eedeeyey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed