|

Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliyed Oo Wareegto Ku Amray In La Bixiyo Mushaharaadka Ciidamada Iyo Shaqaalaha

Muqdisho:June,14,2015(SDN/QJ)-Xafiiska Hanti-dhawraha guud ee qaranka Soomaaliyeed, ayaa soo saaray Degreeto uu ku amrayo in si degdeg ah loo bixiyo Mushaharaadka Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha Dawladda oo in muddo ah Mushahar la’aan ah.

audNuqul ka mid ah Wareegtadaasi oo la soo gaadhsiiyey Warbaahinta, ayaa lagu sheegay kadib, markii Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka uu arkay qaabka uu u socdo Kharajka Dowladda, isla markaana aan la tixgelinin Baahidda Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda ayaa waxa uu Xafiiska Hanti-dhowraha go’aamiyey in laga bilaabo bishan 10-dii in la joojiyey in la diiwaan-geliyo codsiyadda aan ka ahayn Qaan-sheegadka Ciiddamadda iyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Wareegtadda waxaa kaloo lagu xusay, kadib, markii uu Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ogaaday in mushaaraadkaasi laga bixin karo Kharajyadda Dowladda, maadaama bilihii Maarso ilaa May ee sannadkan soo galay dakhli dhan 31,473,638,85 Dollar.

Wareegtadda Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka waxa uu soo bandhigay qaabka ay u kala baxeen Dakhliga u soo xerooday Dowladda, oo kala ah:-

B- Bishii March waxaa la bixiyey lacag dhan US$12,068,890,97

T- Bishii April waxaa la bixiyey lacag dhan US $9, 569,122,98

J- Bishii May waxaa la bixiyey lacag dhan US$9,835,624,90

Isu-geynta Kharajyadda bilaha March ilaa May waxay noqotay lacag dhan US$31,473,638,85 Dollar.

Wareegtadda oo si toos iyo ogeysiin ahaan ugu socotay Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federalka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Ra’isul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa waxa uu Ku-xigeenka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ka codsaday inay tixgeliyaan Kala-horreynta Miisaaniyadda sannadka 2015-ka.

Hadadaba isku-daygan uu Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ku joojiyeen in la bixiyo Qaansheegooyinka, isla markaana la amray in la bixiyo mushaaraadka Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda ayaa waxay tahay tallaabo wanaagsan.

Lacag-bixinta la amray ayaana ku soo beegantay iyadoo ay ciiddamadda iyo shaqaalaha dhaban-hays ka qaadeen halka ay ka heli lahaayeen Kharaashaadka bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay maalmaha kooban naga xigto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed