|

“Waftiga Dawladda ahi Haddii uu xataa Burco tegayo Dollar baa la siiyaa oo Shilling Somaliland lama siiyo. Markaa shillinka Dawladdii lahayd diiday Maxaa”Muj. Xasan Guure.

Hargeysa:June,14,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka dayriyey xaaladda Nololeed ee Shacabka somaliland iyo sicir-bararka sii kordhaya ee Maciishadda dalka kusii kordhaya.

xasan guureMujaahid Xasan oo Warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in qiimo-dhaca joogtada ah eek u socda shillinka somaliland ay  masuuliyadeeda leedahay xukuumaddu oo uu sheegay inay kharashaadkeeda badan dhinto, “haddii ay dawladdu doonayso ha dhinto kharashkeeda, waynu aragnay oo Baabuurta ay Dawladdu wadato waa min Boqol kun oo dollar waaye.” Ayuu yidhi Xasan Guure.

Xasan oo Hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in lacagta shilinka ah ee Xukuumaddu horseed ka tahay hoos u dhaca ku socda, isla-markaana ay isticmaalka dolllarka dhiirrigelinayso, waxana uu yidhi,

“Waftiga Dawladda ahi marka uu Baxayo Haddii uu xataa Burco tegayo Dollar baa la siiyaa oo Shilling Somaliland lama siiyo. Markaa shillinka Dawladdii lahayd diiday Maxaa dadka ku qasbaya.”

Shilinka somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey hoos usii dhacayey, waxana sare u kacayey Qiimaha Dollarka, iyadoo dhawaanahanna xukuumaddu wadday dedaalo ay shacabka ugu dhiirrigelinayso inay isticmaalaan Lacagta Shilinka somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed