|

Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland Oo Berri Furmaya Iyo Madaxweyne Gaas Oo Isku Shaandhayn Golihiisa Wasiirrada ah Laga Sugayo

Garowe:June,14,2015(SDN/QJ)-Waxa maalinta Berri  oo bishan June tahay 15-ka furmaya kalfadhi si weyn loo sugayo oo ay yeelan doonaan Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland, waxana la filayaa inuu maanta oo Axad ah Madaxweyne Gaas ku dhawaaqo isku-shaandhayn cusub oo Golihiisa wasiirrada ah.

prorrFadhiga Baarlamaanka ayaa ah mid lagula xisaabtamayo xukuumadda, waxaana wali la sugayaa Isbadal Madaxwayne Gaas, maadaama uu maanka ku haya in ujeeddada Baarlamaanku tahay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen wixii Golaha wasiirradu qabteen muddadii ay xilka hayeen.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee Fadhigan, ayaa la sheegayaa inay ugu horreyaan la xisaaabtanka Xukuumaddu, waxana jira dhaliilo Dawladda dusha laga saarayo oo Baarlamaaku maanka ku hayo, kuwaas oo la doonayo inuu madaxweyne Gaas jawaabteeda badka keeno.

Magaalooyinka Puntland ayaa si wayn looga hadal hayaa Kalfadhiga Golaha Baarlamaanka iyo saamayntiisa dhanka Golaha Wasiirada Puntland.

Badhtamihii Bishii aan kasoo gudubnay ee May Xildhibaano katirsan Baarlmaanka ayaa si sharci ah usoo jeediyay Kalfadhi aan caadi ahayn oo Xukuumadda lagula xisaabtamayo taas oo lala sugayo Wakhtiga oo ah isniinta Todobaadkaan.

Maalintii shalay waxa Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland iska casilay xubin muhiim ahayd, waxana la sheegayaa inay sii ogayd isku shaandhayn uu madaxweyne Gaas Damacsan yahay oo isaga si gaar ah u saamaynaysay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed