Urur Maxali ah oo Deeq Bisha Ramadaan loogu talo galay Gaadhsiiyay Qoysaska Danyarta ah ee Xaafada Faarax Nuur Hargaysa DAAWO
Hargaysa 14.June 2015 (SDN/QJ)- Ururka TAWFIIQ ayaa deeq gaadhsiiyay dadka ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax, gaar ahaan Xaafada Faarax Nuur ee Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Deeqdan oo ahayd Timir, isla markaana ka koobnayd 195 Tanag oo Timir Ah, oo uu ururka Tawfiiq ugu talogalay sidii dadka aan haysanin ee jilicsan wax ay ku afuraan loo siin lahaa Bisha Ramadaan ee bilanaysa todobaadka Soo socda.
Xafladii loo sameeyey wareejinta deeqdan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Ururka Tawfiiq iyo marti-sharaf kale.
Cismaan Cilmi Kadiye oo ku hadlayay Afka qurba-Joogta ee Ururka TAWFII ayaa waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanay inaan ka soo qaybgalo munaasibadan khayriga ah ee aynu ugu talogalnay in aynu ugu qaybino dadka Masaakiinta ah ama baahan Barnaamijkan Afurka Ah,Anigoo u rajaynaya Ururka soo bixiyay cidda gacan ka gaystay iyo Qofkasta hawshan gacan ku lahaa inuu ILAAHAY khayrkiisa siiyo,aniga oo ku hadlaya Afka Ururka Tawfiiq ee Qurba-Joogta ah waxaan u sheegayaa Halkii Tanag ama Labadii Aynu isku gaynay ay keentay maanta Tirada Intaas leeg in aynu Afurino.”
“”Arinka maanta aynu halkan ku qaybinaynaa waxay ka dhalatay isku tiirsanaanteen iyo anaga oo isku Duubantana waxay noqonaysaa tusaale hordhac-u-ah,waxa yaabaha faraha badan ee inaga waajibka inagu Ah ayay tahay in Aynu dadkeen jooga dalka Caawino,waxaana tan inoogu xigi doonta in aynu gacan wayn ka gaysano baahiyaha kale ee reerku qabo Ee Sida biyaha waxbarashada iyo Caafimaadka.
Cabdi Siyaad Xasan Axmed, Ubax Maxamed, oo iyaguna ka tirsan Ururka Tawfiiq ayaa oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay sharxeen waxay deeqdani tahay, isla markaana waxay dadka kale ee qurba-joogta ee u dhashay deegaanka Gobolka HAWD inay soo caawiyaan dadkooda aan waxba haysanin ee jilicsan ee baahan.
Hargaysa SDN/QJ