Telefishanka CNN oo Warbixin uu ka Diyaariyay Somaliland Ku daray Madaarka Cigaal Gegooyinka Heerka Caalamiga ah gaadhay
Washington 14.June 2015 (SDN/QJ)- Hay’adda caalamiga ah ee ugu afka dheer wakaaladaha wararka ee CNN ee fadhigeedu yahay wadanka Maraykanka ayaa warbixin xiiso leh ka qortay horumarka uu Madaarka caasimadda Hargeysa ku tallaabsaday waqtigan kaasi oo horseeday in uu dhawr iyo toban caasimadood oo qaaradda Afrika ku yaalla kula tartamo dhinaca duulimaadyada.
Warbixintan oo lagu daabacay bogga ay Wakaallada CNN ku leedahay barteeda internetka ee http://edition.cnn.com, waxa ay hoosta ka xariiqday sababta ay shirkada Fly Dubai dhawaan duulimaadyada uga bilowday madaarka Hargeysa, kaasi oo ka dembeeyey kadib markii Somaliland buuxisay shuruudaha adeegga iyo amniga ee u degsan Madaarrada Caalamiga ah. Madaarka Hargeysa ayaa warbixintu tilmaamtay in duullimaadyadan oo aan hakad lahayn [non-transit] ay Fly Dubai ka bilowday uu ku biiri doono 12ka madaar ee caasimadaha qaaradda Afrika ku yaalla kuwaas oo ay hore uga shaqeyn jirtay. Liiska Magaallooyinka ku yaalla Afrika ee ay Caasimadda Somaliland ku biirtay ee duullimaadyada tooska ahi ay Fly Dubai iskaga gooshayso ayaa kala ah:
Addis Ababa, Ethiopia
-
Alexandria, Masar
-
Bujumbura, Burundi
-
Dares-salam, Tansania
-
Djibouti, Djibouti,
-
Entebbe, Uganda
-
Juba, South Sudan
-
Khartoum, Sudan
-
Kigali, Rwanda,
-
Kilimanjaro, Tansania
-
Port Sudan, Sudan
-
Zanzibar Tansania
-
iyo Magaaladda Madaarka Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ay hadda duulimaadyo hor leh ka bilawday.
-
Washington SDN/QJ