Jamaal Cali Xuseen Oo Aqbalay Raalligelintii Daahir Rayaale, Una Qiray Inuu Hoggaamiye Ku-dayasho Mudan ahaa
Hargasa:June,13,2015(SDN/QJ)-Musharraxa Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga Ucid aqoon yahan Jamaaal Cali Xuseen, ayaa Hawraarsan kusoo dhaweeyey raalligelin uu Madaxweynihii Hore ee Somaliland ka bixiyey Burburkii ku dhacay Xisbigii UDUB oo muddo dheer kasoo talinayey Somaliland.
Qoraal kooban oo Jamaal ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo Raalligelinta Madaxweyne Rayaale ka bixiyey inuu xisbigii Udub ku burburay Gacanta Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali waran-cadde oo xilligaas sheeganayey inuu leeyahay Han madaxweynenimo.
Qoraalka Jamaal Cali Xuseen Raalligelintaas ku aqbalay, isla-markaana kaga sheekeeyey Hoggaaminta Madaxweyne Daahir Rayaale iyo hal adaygiisii, ayaa u dhignaa sidatan:
“Hogaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garowshiiyo yeesho. Madaxweyne Riyaale wax Badan buu dalkan ka soo qabtay, Milgo Iyo sharaf buu mar walba dalkan ku leeyahay. Dalkan qaladaad badan Iyo dulmi badan Oo ka dhacay cidna dusha looma saarin, taasina marwalba keentaa in aynaan waxba ka baran, oo aynaan qaladaadkeena ka faa’iidaysanin. Ilaahay marwalba haynaga yeello kuwa xaqa Fahma. Madaxweyne Daahir Riyaale maanta Wuxuu inoo muujiyey inuu yahay Hogaamiye aragti dheer, madaxda Africanka way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda. Bal Aynu sugno in siyaasiyiinta Somaliland inay Ummadda hor istaaga an oo qaladkooda qirtaan. Madaxweyne Riyaalle waan u qirayaa siduu dimuqraadiyada u soo dhisay 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan Iyo daacadnimaddiisa qadiyadda Somaliland. Ilaahay madaxda haynoo hagaajiyo”.
SDN/QJ